Mareykanka oo shaaciyey tirada Al-Shabaab uu ka dilay 2022-kii

Image
Maleyshiyaadka ayaa lagu khaarijiyey duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha ee AFRICOM.

MUQDISHO, Soomaaliya - Duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya ayaa kordhay boqolkiiba 30 sanadka 2022, sidda ay muujineyso warbixin kasoo baxdey taliska ciidamadda Ameerikaanka ee qaarada Afrika.

Kororkan ayaa ka dhashay siyaasada cusub maamulka Joe Biden ee ku wajahan ciribtirka maleeshiyada Al-Shabaab iyo taageerada howlgaladda dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka ayaa 15 weerar oo cirka ah sanadkii 2022 ku qaaday xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida, sida uu sheegay wargeyska Long War Journal Tracker.

Taliska AFRICOM ayaa, sidda ku xusan warbixinta majaladda afka dheer, waxa uu sheegtay in duqeymaha ay ku khaarijiyeen ugu yaraan 107 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa howlgalo militari oo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007. Sannadkii la soo dhaafay, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa wax ka bedelay talaabadii uu maamulka Trump ku doonayay in ciidamada Mareykanka uu uga saaro Soomaaliya.

Go’aanka maamulka Biden ayaa yimid iyadoo Midowga Afrika uu bilaabay inuu meesha ka saaro howshii uu ka waday Soomaaliya, iyo iyadoo ay soo cusboonaatay walaaca laga qabo khatarta Al-Shabaab.

AFRICOM ayaa tiradda dagaalameyaasha Al-Shabaab ku qiyaastey 5,000 ilaa 10,000 oo dagaalyahano ah kuwaasoo fariisinkooda ugu weyn uu yahay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya gaar ahaan Jubooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Halkee marayaa cadaadiska Dowladda Federaalka ku hayso ATMIS iyo diidmada Lafta-Gareen?

Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulan u dhexmarey taliye sare oo…

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 04:40PM

Laftagareen oo Baydhabo ka bilaabay kulamo ku saabsan “faragelinta” dowladda Federaalka

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in xiriirka u dhexeeya labada heer ee dowladda uu noqdo mid ku dhisan ixtiraam iyo wada-tashi dhab ah.

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 12:28PM