Mareykanka oo amaanay go'aanka Xasan Sheekh ee xoreynta Soomaaliya
DJIBOUTI — Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameeyeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab balse waxa uu ka digay in kooxda ay wali “kasoo maleegi karto weeraro argagixsada goobaha aan dowladda maamulin”.
"Waxaan filayaa inay (ciidamada Soomaaliya) sameeyeen horumar ka badan kuwii la sameeyay shantii sano ee la soo dhaafay," ayuu Austin u sheegay wariyeyaasha isagoo ku sugan Jabuuti.
Austin ayaa magaalada Jabuuti kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo qeyb ka ah booqashadiisii ugu horeysay ee uu ku tago qaaradda Afrika isagoo ah xoghayaha difaaca. Horay, Austin ayaa la kulmay madaxweynaha Jabuuti iyo wasiirka gaashaandhigga, isagoo uga mahad celiyay marti gelinta saldhigga koowaad ee Mareykanka ee Afrika iyo taageerada ay Soomaaliya ka siiyeen dagaalka ay kula jiraan kooxaha xagjirka ah.
Ciidamada Soomaaliya iyo malleeshiyo beeleedyada huwanta ah ayaa sii wada in ay al-Shabaab ka saaraan gobollada dhexe ee Soomaaliya taas oo qayb ka ah duullaanka militariga dalka tan iyo markii uu madaxweynuhu ku dhawaaqay "dagaal guud" oo ka dhan ah xagjiriinta Agoosto 2022.
Laakin argagixisadu waxay sii wadayaan duqeymaha ay ku hayaan ciidamada Soomaaliya, iyadoo gaari xamuul ah uu ku qarxay meel u dhow koontaroolka ciidamada ammaanka ee bartamaha Soomaaliya ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo Sabtidii ay ku dhinteen 21 qof, 52 kalena ay ku dhaawacmeen. Ciidamada ammaanka ayaa lagu wargeliyay gaarigan, waxaana ay baarayeen markii uu qarxay, sida uu VOA u sheegay degmada Beledweyne Cumar Cismaan Calasow.
Kulanka Austin iyo Maxamuud ayaa ku soo beegmaya laba maalmood ka dib markii weerar hub fudud lagu qaaday xero ciidan oo ku taalla deegaanka Kulbiyow ee Soomaaliya, halkaas oo uu ku dhaawacmay hal qandaraasle oo Maraykan ah iyo xubin ka tirsan ciidamada la shaqeeya, sida uu VOA u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan gaashaandhigga.
War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaas ay ku dhaawaceen afar askari oo Mareykan ah iyo sagaal ka tirsan ciidamada Kenya. Sarkaal sare oo ka tirsan gaashaandhigga ayaa VOA u sheegay in “lagu batay,” isaga oo intaa ku daray in aanay jirin cid Maraykan ah oo ku dhaawacantay, dhaawaca qandaraasluhuna aanu u baahnayn daawo.
Weeraradii ugu dambeeyay ayaa sababay in madaxda Soomaaliya ay raadiyaan dib u dhac 90-maalmood ah oo la qorsheeyay in la dhimo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika si ay ula xisaabtamaan waxa ay dowladda Soomaaliya ugu yeertay "dib u dhacyo dhowr ah oo muhiim ah."
Saddex kun oo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ayaa la filayaa in dhamaadka bishan ay ka baxaan Soomaaliya, iyadoo dhammaan ciidamada Midowga Afrika lagu wado inay isaga baxaan dhamaadka sanadka soo socda.
In taageerada Soomaaliya loo soo jiido goor hore, ama aan loo bixin dhaqaale ku filan si looga hortago xagjiriinta Islaamiga ah ee Afrika, waxay u oggolaan kartaa kooxaha argagixsada in ay dalka qabsadaan si la mid ah sidii Taalibaan ay sameeyeen markii Maraykanku uu ciidamadiisa kala baxayo halkaas, ayuu yiri Bill Roggio, oo ah askari hore iyo tafatiraha Mu'asasada Difaaca Dimuqraadiyada' Long War Journal, kaas oo daabaca warbixinta iyo falanqaynta dadaallada caalamiga ah ee ka hortagga argagixisada.
GAROWE ONLINE