Mareykanka oo Xubno katirsan Al shabaab ku dilay Duqeyn ka dhacday Jilib

Image

NAIROBI, Kenya - Todobo xubnood oo katirsanaa Al shabaab ayaa lagu dilay Saddex weerar oo dhanka cirka, oo Diyaaradaha Militariga Mareykanka ka fuliyeen gobolka Jubbada Dhexe, ee Koonfurta Somalia.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Africa (AFRICOM), ayaa lagu xaqiijiyay weerarka, oo dhacay intii u dhaxaysa 16 illaa 17-ka bishan August, oo ah Shalay iyo Maanta.

AFRICOM ayaa sheegtay in Ciidamada Mareykank iyo Kumaandooska dowladda Somalia ay weerar ku qaadeen Saldhiyadda Al shabaab, ee degmada Jilib, oo 320KM Koonfur Galbeed uga beegan Muqdishu.

Ujeedka Howlgalka ayaa lagu sheegay Warka AFRICOM inuu ahaa in lagu wiiqo awoodda Al shabaab ay ku maleegayso weerarro ay ka fuliso gudaha Somalia, gobolka Geeska Africa iyo dalka Mareykanka.

"Waxaan sii wadi doonaa weerarada ka dhanka ah Al shabaab, annagoo la shaqeynayna Ciidamada aan wadashaqeynta leenahay ee Somalia, si loo wiiqo awoodda Al shabaab, looguna guuleysyo in Nabad iyo Xasilooni lagu soo dabaalo guud ahaan gobolka geeska Africa," ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka AFRICOM.

AFRICOM waxay sidoo kale tilmaantay inay qiimeyn ku sameynayaa natiijadda Howlgalkan, oo ay sii gudbin doonaan Fahfaahin dheeraad ah, hadii ay wax kusoo kordhaan khasaaraha Al shabaab gaarey.

Dhanka kale, Wasaaradda Warfaafinta dowladda Federaalka Somalia, ayaa maanta sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu bixiyay amarka lagu fuliyay weerarka ka dhacay degmada Jilib, kaasi oo lagu dilay 7 al shabaab kamid ahaa.

Al Shabaab dhankeeda wali wax war ah kama aysan soo saarin Duqeynta.

Madaxii hore ee Al shabaab u qaabilsanaa howlgallada Muqdishu, Cali Maxamed Xuseen (Ali Jabal) ayaa lagu dilay 1-da Bishan Weerar si Ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda ka fuliyeen Deegaanka Toora-Toorow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM