AFRICOM: Sarkaal Al-Shabaab ah oo xiriir la lahaa Al-Qaacida ayaan dilnay

Image

WASHINGTON, US – Milatariga Mareykanka ayaa wuxuu shaaciyey in duqeyn uu koonfurta Soomaaliya ka fuliyey 19-kii November, Talaado, 2019, uu ku dilay sarkaal Al-Shabaab ah.

Weerarka dhanka cirka oo ka dhacay degaanka Kuunya Barow ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu khaarijiyey sarkaalkaas oo xiriir toos ah la lahaa shabaakadda Al-Qaacidda.

Taliska Mareykanka ee Afrika oo war-saxaafadeed soo saarey soona bandhigin aqoonsiga horjoogaha ayaa meesha ka saarey in ay jirto waxyeelo soo gaarey rayid.

William Gayler, agaasimaha howlgaladda taliska AFRICOM, ayaa rumeysan in duqeymaha cirka "ay u diidayaan argagixisadda dhaqdhaqaaq xor ah oo ay dadweynaha ku dhibaayeen".

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo duqeynta ka hadashay ayaa xustay in sarkaalka la dilay uu muhiim u ahaa xoogaga magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho laga saarey 2007-dii.

Hase ahaatee, Al-Shabaab oo falcelisay ayaa shaqsiga la naf-gooyey ku qeexday "ganacsade caan ka ahaa gobolka Shabeellaha Hoose" oo hoostaga maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Mareykanka ayaa horey ugu lug-yeeshay weerar dhanka cirka ah oo ay khasaaro kasoo gaareen shacab, wallow illaa iyo haatan aanu jirin wax magdhow ah oo la siiyey dhibaneyaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM