Maryan Mursal oo Fanka ka fariisatay.

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fanaanada caanka ah, Maryan Mursal Ciise Bootaan ayaa ku dhawaaqday in ay gebi ahaanba isaga baxday fanka.

Maryan Mursal oo ah xidig caan ka ahayd fanka Soomaaliyeed mudadii bur-burkana daganayd magaalada London ee cariga Ingiriiska ayaa umadda ka codsatay in loo soo duceeyo.

Da'deeda oo waynaatay iyo xanuuno lasoo darsay ayaa loo tirinayaa ka fariisiga Fanka ee Maryan Mursal.

Fanaaniinta faro ku tiriska ah ee aan ka qeyb galin marna colaadihii qabiil iyo maamulada isdiidan ee Soomaalida ee 30 kii sano ee u danbeeyay gudaha Somalia ka curanayay ayaanay maryan midna la jaanqaadin iyada oo ku gaabsatay wacyigelinta bulshada.

Hadaba adigu heestee ku xasuusataa akhriste Maryan Mursal?

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM