Mas'uul ka tirsanaa Galmudug oo lagu khaarijiyey Muqdisho

Image
Farxiya Cabdi Waasuge ayaa ahayd Wasiiru dowlihii gaadiidka iyo duulista hawada ee Galmudug.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiiru dowlihii gaadiidka iyo duulista hawada ee Galmudug, Farxiya Cabdi Waasuge, ayaa la wariyey in dabley hubeysan ay caawa ku dishay degmadda Wartanabada ee magaalada Muqdisho.

Laamaha ammaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa illaa haatan wali ka hadlin falkan. Dilalka qorsheysan ayaa dhif ku ahaa caasimada muddooyinkii dambe.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye oo xaqiijiyey shirqoolka lagu khaarijiyey marxuumadda ayaa sheegay in falkaas ay ka dambeysay koox uu ku sheegay "Khawaariij" isagoo ula jeeda Al-Shabaab.

"Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa uga tacsiyeeyay umadda Soomaaliyeed iyo reer Galmudug geerida ku timid Allaha u naxariistee Wasiir Farxiya Cabdi Maxamed oo aheyd Wasiiro dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladda Galmudug oo caawa kooxda argagaxisada ah khawaarijtu ku dileen Magaalada Muqdishu," ayay tiri Madaxtooyadda Galmudug.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Madaxweynaha, ayaa si gaar ah tacsi ugu diray qoyska iyo qaraabada Marxuum Farxiya Cabdi Maxamed, wuxuuna Eebbe uga baryay inuu janadii firdowsa ka waraabiyo Marxuumada, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelka iyo qaraabada ay ka baxday. Innaa Lillaahi wa Inaa Ieyhi Raajicuun".

Dilalka qorsheysan ee loogu yeero madax-jabiska ayaa kooxaha fuliya waxay u badan yihiin dhalinyarro kuwaasoo wareysiyo qeybtood lala sheegay in ay ku sheegeen in ay ka kooban yihiin illaa shan ruux oo laba kamid ah hubeysan yihiin.

GAROWE OLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM