Mas'uul ku geeriyoodey qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Image
Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas’uuliyadda falkan. Balse, waxaa looga bartey kooxda Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan hal qof mas’uul ah ayaa la xaqiijiyey in uu ku nafwaayay qarax ismiidaamin oo aroornimadii maanta ka dhacay isgoyska Ifka Xalane ee magaalada Muqdisho.

Weerarka oo la sheegay in uu si gaar ah uga dhacay agagaarka xerada Dhul-bixinta ayaa waxaa fuliyey naftii-halige watay baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Xarbi Salaad Cumar oo kamid ahaa mas’uuliyiinta waaxda gaadiidka dowladda hoose ee Xamar ayaa la xaqiijiyey in uu kamid noqdey dadka ku geeriyoodey is-qarxintan.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas’uuliyadda falkan. Balse, waxaa looga bartey kooxda Al-Shabaab.

Qaraxan ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli ammaanka caasimadda uu dhowrkii maalmood lasoo dhaafay habac ka muuqdey ayna kordheen falalka liddiga ku ah nabad-gelyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM