Mas'uul lagu dilay qarax miino oo ka dhacay Muqdisho

Image
Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa dusha saartay mas'uuliyadda weerarkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay qarax Talaadada maanta ah ka dhacay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen saraakiil amni iyo goobjoogeyaal.

Qaraxa oo ahaa miino nooca meelaha fog-fog laga hago ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa degmada Kaxda iyo degaanka Garasbaaley gaar ahaan waaxda Foorilow ee gobolka Banaadir.

Dadka ku naf-waayey weerarkan ay sheegatay maleyshiyadda Al-Shabaab waxaa kamid ah Maxamed Abuukar Afrax [Bidaar], oo ahaa guddoomiyihii degaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

"Marxuumka oo xilkan loo magacaabay 31-dii bishii May, 2021 ayaa u geeriyoodey dhaawac culus oo kasoo gaarey weerarkaas," ayuu yiri sarkaalka ka tirsan laamaha ammaanka Soomaaliya.

Sida ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida, tirada askarta ku dhimatay qaraxaan waxay ka badan illaa 4 wallow kaliya la xaqiijiyey laba.

Askarta ayaa kamid ahayd ilaaladda marxuum Bidaar. Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa tacsi u diray qoyskiisa waxayna sheegeen in ay murugada la wadaagayaan reerka.

Muqdisho ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ahayd mid xasiloon. Dhacdadan waxay kusoo aadeysaa maalmo kahor shirka arrimaha doorashooyinka ee ay yeelanayaan hogaamiyeyaasha Soomaalida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gudoomiyah Baydhabo oo lagu soo rogay Xabsi Guri xili xiisad ka jirto Koonfur Galbeed

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay dowladda faahfaahin dheeraad ah ka bixiso xaaladda sharciga ah ee guddoomiye Watiin.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 01:27PM

Duqeyn Sirdoon Oo Lagu Beegsaday Shir Al-Shabaab lahayd; 33 Lagu Dilay

Ciidamada amniga ayaa sidoo kale sheegay inay burburiyeen gaari nooca pick-up ah oo lagu rakibay qori culus.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 08:37AM