Mas’uuliin ka tirsan DF iyo Galmudug oo gaaray Ceel Garas

Image

CEEL-GARAS, Soomaaliya - Wafdi heer sare ah ayaa maanta gaaray magaalada Ceel-Garas oo ay dhawaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Mas’uuliyiintan ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo Taliyaha Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in mas’uuliyiintu ay ku ammaaneen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka sida ay cadawga uga xoreeyeen deegaanno dhowr ah oo dhaca bariga Galgaduud.

Ciidamada dowladda ayaa maanta u suuragashay inay la wareegaan gacan ku haynta deegaanka Ceel Garas oo muddo 15 sano ah ku jirtay gacanta AS, kadib weerar qaatay muddo kooban.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM