Mas’uuliin lagu eedeeyey fududeynta Qaraxii Jaalle Siyaad oo Xabsi la dhigay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maanta ayaa la sheegay in ciidamada amaanka ay xabsiga u taxaabeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka, kuwaas oo loo xiray qaraxii shalay ka dhacay Kuliyada Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan saddex sarkaal oo uu ku jiro kornayl milateri ayaa loo xiray qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Isniintii ka dhacay xero ciidan oo ku taal Muqdisho kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 25 askari, in ka badan 70 kalena ay ku dhaawacmeen.

Labo ka mid ah laamaha ammaanka ayaa VOA u xaqiijiyay xarigga. Waxaa suurtagal ah in dad badan la xiro iyadoo mas'uuliyiintu ay raadinayaan jawaabo ku saabsan wixii dhacay. Baarayaasha ayaa si gaar ah u daneynaya inay ogaadaan cidda ka caawisay qofka is qarxiyay inuu gudaha u galo saldhigga.

Qaar ka mid ah ْXildhibaanada iyo Wasiirada ayaa farta ku fiiqay saraakiisha ciidanka, iyagoo si maldahan u sheegay in ay jiraan saraakiil ku kacay qiyaano qaran, kuwaas oo u fududeeyey naftii haligaha inuu soo galo xerada.

ٍٍٍSida ay sheegeen laamaha ammaanka, qaraxan ayaa waxaa ku dhintay 26 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 70 qof.

Waxaa la filayaa in ciidamada amaanka ay soo xiraan saacadaha soo socda saraakiil kale, si loo ogaado cidda gacan ka geysatay fududeynta qaraxaas, isla markaana la yareeyo carada shacabka.

Saaka ayey ahayd markii shacabka ku dhaqan degmada Marka ay isku soo baxeen iyaga oo cambaareynaya qaraxaas. Dibad baxayaasha ayaa ku adkeystey in dhacdadaas ay ahayd Shirqool.

Inta badan dadkii ku shahiiday weerarka ayaa ka soo jeeday degmada Marka, waxayna  ku biireen ciidamada qalabka sida kadib qaraxii Soobe sanadkii 2017-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM