Mas’uuliinta Galmudug iyo DF oo kormeer ku tahay rugaha ciiidanka ee Mudug

Image

GAALKACYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo oo wehlinayo wasiirka gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kormeeray rugaha Ciidanka ee koonfurta gobolka Mudug.

Kormeerkan waxa sidoo kale qeyb ka ahaa oo ay wehliyaan wasiir kuxigeenka Warfaafinta Al cadaala iyo masuuliyiin kale oo ka soo jeeda deegaanada ay ka socdaan dagaalka ka dhanka ah ‘AS’.

Wasiirka gaashaandhigga oo la hadlay cutub ka tirsan Guutada Abuu dujaana ee qeyb ka eheyd xoreynta Magaalooyinka muhiimka ah ee dhaca Koofurta Mudug ayaa ku amaaney in ay furimaha kusii nagaadeen xili fasax gaaban la siiyey ururadii kale ee guutada.

Madaxwaynaha Galmudug ahmed Cabdi kaariye QoorQoor ayaa sidoo kale ciidankan ku amaaney go’aanka ay ku difaacayaan dadkooda, dalkooda, iyo diintooda, sida ay wariyeen warbaahinta dowladda.

Deegaannada dhaca Koonfurta gobolka Madug ayaa waxaa ka socda dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan ciidamada dowladda oo ay wehliyaan ciidamo deegaanka ah iyo kuwo shisheeye, kaasi oo ujeedkiisu yahay in AٍS laga xoreeyo gobolkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM