Mashaariic ay UK ugu talagashay HirShabelle oo laga shiray

Image
Image
Image
Doorashooyinka ayaa kamid ahaa qodobada lagu soo hadal-qaadey wadahadalka.

JOWHAR, HirShabelle - Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho Amb Kate Foster.

Madaxweynaha iyo Danjire Foster ayaa ka wada hadlay mashaariicda Dowlada Ingiriiska ugu tala gashay deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan dhismaha xarumaha madaxtooyada, baarlamaanka iyo airportyada.

"Waxaan [shalay] kulan la qaatay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Danjire Kate Foster," ayaa lagu daabacay ciwaanka Facebook-ga ee Madaxtooyadda HirShabelle.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Waxaan kala hadlay mashaariicda Dowlada Ingiriiska ugu tala gashay deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan dardar galinta dhismayaasha xarumaha madaxtooyada, baarlamaanka iyo airportyo".

"Sidoo kale waxaan kuwada hadalnay muhiimada ay leedahay hirgalinta dhismaha golaha deegaanka ee degmooyinka oo waxtar badan u leh bulshadeena," ayuu xusay.

Madaxtooyadda HirShabelle ayaa raacisay: "Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay muhiimada ay leedahay hirgalinta golaha deegaanka ee degmooyinka oo waxtar badan u leh bulshada".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM