Mashaariic ay UK ugu talagashay HirShabelle oo laga shiray

Image
Image
Image
Doorashooyinka ayaa kamid ahaa qodobada lagu soo hadal-qaadey wadahadalka.

JOWHAR, HirShabelle - Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho Amb Kate Foster.

Madaxweynaha iyo Danjire Foster ayaa ka wada hadlay mashaariicda Dowlada Ingiriiska ugu tala gashay deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan dhismaha xarumaha madaxtooyada, baarlamaanka iyo airportyada.

"Waxaan [shalay] kulan la qaatay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Danjire Kate Foster," ayaa lagu daabacay ciwaanka Facebook-ga ee Madaxtooyadda HirShabelle.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Waxaan kala hadlay mashaariicda Dowlada Ingiriiska ugu tala gashay deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan dardar galinta dhismayaasha xarumaha madaxtooyada, baarlamaanka iyo airportyo".

"Sidoo kale waxaan kuwada hadalnay muhiimada ay leedahay hirgalinta dhismaha golaha deegaanka ee degmooyinka oo waxtar badan u leh bulshadeena," ayuu xusay.

Madaxtooyadda HirShabelle ayaa raacisay: "Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay muhiimada ay leedahay hirgalinta golaha deegaanka ee degmooyinka oo waxtar badan u leh bulshada".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirka Gollaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo dib loo dhigey

Kala qaybsanaanta siyaasadeed ee sii kordhaysa ayaa weli caqabad ku ah hannaanka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 11:18AM

Aadan Madoobe oo u safray Algeria xili uu  wajahayo Mooshin

Xildhibaanadii ugu badnaa ayaa Mooshinka saxiixay, oo ku adkaysanaya inay xilka ka qaadaan Aadan Madoobe, oo lumiyay Kalsoonidii Gollaha.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 09:20AM