Mashruuca dib-u-daabicista shillin Somaaliga oo laga shiray

Image
Shaqada ayaa laga ambaqaadayo siyaasadda Xukuumadda ee ku aadan dib-u-habeyta dhaqaalaha.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa shir-guddoomiyey kulankii koowaad ee Guddiga Heer Qaran ee Hagista mashruuca dib-u-daabicista shillin Somaaliga.

Sidda uu shaaciyey xafiiska Xamse, is-raggan ka dhacay xafiiskiisa ayaa waxaa looga hadlay sidii loo dardar galin, isla markaana dib u habeyn loogu samayn lahaa Shillin Soomaaliga.

Guddoomiyaha Bangiga dhexe iyo xubnaha Guddiga ayaa warbixin faahfaahsan ka siiyey Ra’iisul Wasaaraha waxyaabihii u qabsoomay intii Guddigu shaqaynayay.

Shaqada ayaa laga ambaqaadayo siyaasadda Xukuumadda Dan-Qaran ee dib-u-habeyta dhaqaalaha dalka gaar ahaan soo celinta Shillin Soomaaliga, taasoo wax badan ka beddeli doonta dhaqaalaha dadka dan-yarta ah ee dalkeena.

Wasiirka koowaad ayaa ku bogaadiyay xubnaha guddiga shaqada ay qabteen, isagoo tilmaamay in mashruucan dib u daabicidda Shillin Soomaaligu waxwayn ka badali doono dib u habeynta hay’adaha dhaqaale ee dalka.

Sidda laga soo xigtey Xamse, haddii mashruucan uu guulaysto waxa uu "qayb wayn ka qaadanayo hoos u dhigidda dhaqaale yarida iyo saboolnimada guud ahaan Soomaaliya".

Shirkan ayaa waxa ka soo qayb galay dhamaan xubnaha Guddiga, iyadoo Wasiiradda Maaliyadda Dowlad Gobolleedyada iyo Baanka Adduunka ay shirka kaga qayb galeen qaab fogaan arag ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM