Mashruuca dib-u-daabicista shillin Somaaliga oo laga shiray

Image
Shaqada ayaa laga ambaqaadayo siyaasadda Xukuumadda ee ku aadan dib-u-habeyta dhaqaalaha.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa shir-guddoomiyey kulankii koowaad ee Guddiga Heer Qaran ee Hagista mashruuca dib-u-daabicista shillin Somaaliga.

Sidda uu shaaciyey xafiiska Xamse, is-raggan ka dhacay xafiiskiisa ayaa waxaa looga hadlay sidii loo dardar galin, isla markaana dib u habeyn loogu samayn lahaa Shillin Soomaaliga.

Guddoomiyaha Bangiga dhexe iyo xubnaha Guddiga ayaa warbixin faahfaahsan ka siiyey Ra’iisul Wasaaraha waxyaabihii u qabsoomay intii Guddigu shaqaynayay.

Shaqada ayaa laga ambaqaadayo siyaasadda Xukuumadda Dan-Qaran ee dib-u-habeyta dhaqaalaha dalka gaar ahaan soo celinta Shillin Soomaaliga, taasoo wax badan ka beddeli doonta dhaqaalaha dadka dan-yarta ah ee dalkeena.

Wasiirka koowaad ayaa ku bogaadiyay xubnaha guddiga shaqada ay qabteen, isagoo tilmaamay in mashruucan dib u daabicidda Shillin Soomaaligu waxwayn ka badali doono dib u habeynta hay’adaha dhaqaale ee dalka.

Sidda laga soo xigtey Xamse, haddii mashruucan uu guulaysto waxa uu "qayb wayn ka qaadanayo hoos u dhigidda dhaqaale yarida iyo saboolnimada guud ahaan Soomaaliya".

Shirkan ayaa waxa ka soo qayb galay dhamaan xubnaha Guddiga, iyadoo Wasiiradda Maaliyadda Dowlad Gobolleedyada iyo Baanka Adduunka ay shirka kaga qayb galeen qaab fogaan arag ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM