Mas'uul sarre oo ka socda UN-ka oo ku wajahan Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Mas'uul sarre oo ka socda Qaramadda Midoobay ayaa Soomaaliya todobaadka dambe u tegaya wada hadalo ku saabsan xaaladda caruurta ay saameysay colaadaha hubeysan ee Geeska Afrika.

Virginia Gamba, wakiil gaarka ee xoghayaha guud ee UN-ka u qaabilsan caruurta iyo colaadaha hubeysan ayaa Muqdisho ka degi doona 29-ka October, sidda uu shaaciyey howlgalka Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Gamba ayaa saxiixi doona geedi socodka lagu dardargelinayo dhaqan-gelinta ilaalinta caruurta ku sugan goobaha colaadaha.

"Waxay kaloo daah-furi doonaa mashruuca Maalgelinta Dhismaha Nabadda oo bulshada ka taageeraya in ay caruurta ka badbaadaan arrimaha la xiriira askareynta iyo kooxaha hubeysan," ayaa lagu yiri qoraalka.

Inta ay ku sugan tahay Soomaaliya, Gamba ayaa la kulmi doonta mas'uuliyiin ka socda dowladda, Qaramada Midoobay, Ururada bulshadda iyo daneeyeyaasha Beesha Caalamka ee dalka ku sugan.

Kulamada ayaa xooga lagu saari doonaa sidii loo fulin lahaa qorshaha loogu hortagayo askareynta, dilka iyo curyaaminta mustaqbalka caruurta si lamid ah tilmaamida xadgudubyadda iyo caqabadaha jira.

Marka la joogo Soomaaliya, xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyaa askareynta caruurta si ay ugu adeegsadaan howlgaladooda Jihaad-alooseynta.

Sidda laga soo xigtay Golaha Ammaanka UN-ka, Soomaaliya waxaa April 1, 2010 illaa iyo July 1, 2016, la askareeyay 5,933 oo wiilal ah iyo 230 gabdho ah. Qiimeynta waxay soo baxday sanadkii 2017-kii.

Xog-uruurinta ayaa muujisa sarre u kac waali ah marka laga hadlayo inta u dhaxeysa 2012-2014. Balse waxaa hoos u dhac a dareemay 2016-kii oo la askareeyay 1,092, waana qeybta hore ee 2016-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM