Mas'uuliyiin ku dhintay Qaraxyo ka dhacay Muqdisho

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo galabta ka dhacay Hotel-ka Nasa Hablood Two ee magaalada Muqdisho, kuwaasi oo geestay khasaarooyin kala duwan.

Saraakiil katirsan laamaha amniga ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in ugu yaraan 10 qof ay ku dhinteen labada qarax, oo loo adeegsaday baabuur nooca raaxada ah, oo lagu dhuftay albaabka Hotel-ka.

Korneel Boolis oo lagu magacaabi jiray Maxamed Yuusuf Nuur (Fanax) iyo Xildhibaan hore ayaa kamid ah 10-ka qof ee lagu dilay qaraxyada, oo ay barbar socdeen rasaas xooggan oo is-waydaarsadeen Askarta Ilaalada hotel-ka iyo kuwa weerarka kusoo qaadey.

Col Maxamed Yuusuf Nuur (Fanax)

Fanax wuxuu ahaa Taliyaha Ciidamada Booliska degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, waxaan uu ku geeriyooday qaraxii hore xilli uu taagnaa afaafka hore ee Hotel-ka Nasa Hablood.

Wararka waxay sheegayaan in rag hubaysan ay galeen gudaha islamarkaana ay ka dhex-dagaalamayaan, kuwaasi oo qaarkooda xiran suumanka la isku qarxiyo.

Hotel Naasa Hablood oo ku yaalla degmada Xamarweyne, kuwa dhaw Madaxtooyada, waxaa degan mas'uuliyiin katirsan labada golle ee dowladda iyo Saraakiil kamid ah Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya ee (NISA).

Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka, oo lagu beegay xilli maalinta berri ah lagu wado in Shir u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo maamullada inuu ka furmo magaalada. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM