Shirkii Muqdisho oo dib u dhacay [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxa uu dib u dhac ku yimid Shirkii uu Madaxweyne Farmaajo ku baaqay ee la filayay inuu maanta oo sabti ah ka furmo magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Cabdi Faarax Saciid Juxa, ayaa ku dhawaaqay inuu Shirka uu dib u dhacay maalinta berri ah, sababo uusan sheegin. Halkan ka akhri Warbixin.

Hadalkan wuxuu wasiirka ka sheegay munaasabadii soo-dhaweyntii Madaxweyne Xaaf, oo saaka kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa la qorsheeyay markii hore 28-ka bishan, balse dib u dhacay, xilli ay madaxda maamul goboleedyada qaar wali soo gaarin Muqdisho, islamarkaana ay maqan yihiin mas'uuliyiin iyo diblomaasiyiin kale oo lagu casuumay.

Kulanka oo isagu yeeray Madaxweynaha, ayaa waxaa ajandiyaashiisa kamid ah khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, amniga, dagaalka ka dhanka ah Al shabaab iyo arrimo kale oo oo quseeya xaaladda dalka.

Fahfaahin kala soco wararkeena dambe haddii ALLE idmo.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Fahfaahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka saakay ka dhacay Damaanyo, oo ah meel muhiim ah oo AS bartilmaameed u ahayd.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 08:31AM

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM