Mas'uuliyiin lagu tuhunsan yahay gurmad la leexsaday oo la baarayo

Image

BELEDWAYNE, Hiiraan – Laamaha ammaanka HirShabelle ayaa shaaciyey in ay qabteen gaadiid lagu leexsaday gurmadka loogu talogalay shacabka Beledwayne ee ay saameeyeen fatahaadaha.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in howlgal ay habeenimadii Talaadada qaadeen ku beegsadeen bakhaarka "lagu qariyey" macaawinimadda oo dowladda federaalka Soomaaliya ay halkaas gaarsiisay dhowaan.

Idaacadaha maxaliga ah ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa askarta kasoo xigatay in la bakhaarka la tegay iyadda oo la dejinayo gurmadka.

Dhamme Maxamed Cabdiqaadir Maxamed, xeer-ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda Ciidamada qeybte 26aad ee gobolka Hiiraan, ayaa u sheegay Garowe Online in ay laba qof u qab-qabteen dhacdadaan.

"Gaarigii raashiinka wadday waa lala wareegay. Bakhaarkiina waan xirnay. Dadkii leexsaday qaarkoodna waan haynaa," ayuu xusay.

Mr Maxamed oo sheegay in ay tuhunsan yihiin in ay mas'uuliyiin ku lug-leeyihiin arrintaan ayaa daboolka ka qaaday in ay ku raad-joogaan isla markaana kiiskaan ay si qoto dheer u baari doonan.

Talaabadan ayaa waxay kusoo aadeysaa xili dowlad goboleedka uu dhowaan Beledwayne u daabulay ciidamo boolis oo gaar u ah ilaalinta gurmadka.

Ku dhowaad 60-kun oo ruux ayaa ka barakacay Beledwayne oo uu kusoo fatahay Webbiga Shabelle kadib roobabka dayrta oo curtay.

Soomaaliya ayaa safka hore waxay uga jirtaa liiska wadamada ugu lunsashada badan gaar ahaan kaalinta mas'uuliyiinta, waxayna tani kusoo aadeysaa xili ay jireen digniino maalmihii u dambeeyay la bixinayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM