Maxaa ka jira in Ciidamada dowladda ay isaga baxeen deegaanadii dhawaan la xoreeyay?

Image
Goobaha ay ku urursan yihiin al-Shabaab ee Galgaduud

MUQDISHO, Soomaaliya - Wararka naga soo gaaray gobolada dhaxe ayaa sheegaya in ciidamada xoogga dalka ay dib uga gurteen qaar ka mid ah magaalooyinka iyo deegaanada laga saaray Al-Shabaab. Arrintaan ayaana ku soo aadday maalmo kadib markii ay ciidamada xoogga dalka la wareegeen gacan ku haynta degmada istiraatiijiga ah ee Ceelbuur.

Deegaannada ay ciidamadu ka baxeen ayaa waxaa ka mid ah Ceel-Dheer, Budbud, Galcad iyo Masagawaay, iyadoo dhinaca kale ciidamada ku sugan Ceelbuur iyo Xarardheere ay ka cabsi qabaan in la go’doomiyo, maadaama ay ciidamadu isaga baxeen deegaanada ku hareereesan.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo diiday in magacooda la xuso ayaa la wadaagay Garowe Online in dib u gurista ciidanka ay qeyb ka tahay istiraatijiyad dagaal, waxa ayna carabka ku adkeeyeen in ciidanka Soomaaliya ay awood u leeyihiin in ay ka adkaadaan cadowga.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dib u gurasahda ciidamda ay ku sigatay inay halis galiso nolosha Wasiirka Gashaandhiga Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha nabadsugida Mahad Salaad, kadib markii ay isku dayeen inay u safraan magaalada Galcad, mas’uuliinta ayaa ka war helay in ciidamada isaga baxeen magaalada sidaaa ayuuna safarka ku baaqday.

Iyadoo boqolaal askari oo Soomaali ah ay ku dhinteen xoreynta magaalooyinkaas, Bulashada Soomaaliyeed ayaa is weydiinaya dhowr su’aaalood, oo ay ugu weyn tahay waa maxay sababaha ka dambeeya?

Baaxadda gobolka iyo dagaalkaba, iyo saamayn la’aanta qabaa’ilku ku leeyihiin aagagga uu dagaalka ka socdo, waxay keentay in la waayo ciidan deegaan ah oo kala wareego Ciidamda dowladda amniga deeganada la xoreeyay.

Warsidaha Garowe Online ayaa sidoo kale heley xog ah in uu jiro khilaaf u dhaxeeya Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka, Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin iyo Wasiirka Gashaandhiga Cabdiqaadir Maxamed Nuur.

Kala qaybsanaanta ayaa sabab u ah istaraatiijiyada dagaal ee lagula dirirayo al-Shabaab, waxaana dhaliilo loo jeediyay qaabka uu dagaalka u socdo, gaar ahaan weeraradii isdaba jooga ahaa ee argagaxisadu ku qaadeen saldhigyada ciidamada.\

GAROWE ONLINE

Related Articles

Eedeymo culus oo loo jeediyay xafiiska Xamza Cabdi Barre

Horaantii bishan ayay ahayd markii uu qarxay khilaafka kadib markii Axmed Madoobe ka baxay Shirkii fashilmay ee Gollaha Wadatashiga Qaran.

  • Soomaliya

    29-11-2024

  • 06:33PM

Xamza oo Kenya ka billaabey kulamo ku saabsan xiisadda kala dhaxaysa Axmed Madoobe 

Kenya waxaa Ciidan ka joogaa Kismaayo, Afmadow, Dhoobley iyo meelo kale oo Jubaland katirsan, waxaana ay si dhaw ula shaqeeyaan Axmed Madoobe.

  • Soomaliya

    29-11-2024

  • 11:59AM