Maxaa ka jira in Dowladda Somalia taageertay Xilka qaadista Cosoble?

Image

MUQDISHU, Somalia - Tan iyo markii Xildhibaanada Barlamanka HirShabelle ay kalsnoonida kala noqdeen Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble Todobaadkii tagey billowgiisa, waxaa sii xoogeysanayay Khilaafka Mas'uuliyiinta maamulkaasi ka dhaxeeya.

Dowladda Federaalka Somalia ayaa Khamiistii lasoo dhaafey u dirtay magaalada Jowhar Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdi Faarax Saciid "Juxa", kaasi oo kulamo la qaatey Cosoble iyo Xildhibaanada kasoo horjeeda, ee xilka qaadista ku sameeyay.

Wafdiga dowladda ayaa shalay oo Jimco ahayd dib ugu laabtey Muqdishu, kadib markii ay usoo kuur-galeen Khilaafka Siyaasadeed ee ka taagan maamulka HirShabelle, waxaana ay warbixin ka siiyeen arrimahaasi Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, oo markii hore u diray Jowhar.

Warsidaha Garowe Online, ayaa helay Macluumaad hoose, oo sheegaya in dowladda Federaalka ay taageertay Xilka qaadistii Cosoble, maadaama Xildhibaanno gaaraya 68 Xubnood ay Kalsoonida kala noqdeen, si waafaqsan Dastuurka maamulka HirShabelle.

Dowladda ayaa ugu yeertey Muqdishu Gudoomiyaha Barlamanka HirShabelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed, si ay ugala hadasho sidii loo qaban lahaa doorashada Madaxweyne cusub, ee bedeli doono Cali Cabdullaahi Cosoble.

Sheekh Cusmaan ayaa loo direy Diyaarada gaar ah, oo kasoo qaadey shalay Jowhar, wuxuuna hadda ku sugan yahay Muqdishu, oo Kulamo kula leh Madaxda sare ee dowladda Federaalka, oo uu kamid yahay Ra'iisul Wasaare Khayre, oo aad u daneynaya xalka Khilaafka ka jira HirShabelle.

Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa taageersan is-bedelka ka dhacay Jowhar, islamarkaana ay doonayso in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo doorto Madaxweyne cusub, maadaama aqlabiyada ugu badan ee Barlamanka HirShabelle uu isku raacay xilka qaadista Cosoble.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM