Maxaa ka jira in Itoobiya 167 askari looga dilay weerar ka dhacay Soomaaliya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Dowladda Itoobiya ayaa beenisay sheegashooyinka kooxda Al-Shabaab kadib dagaal ciidankeeda iyo maleeshiyada shalay ku dhex-maray gobolka Bakool ee koonfur-galbeed Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerareen laba kolonyo oo ka mid ciidamada Itoobiya, oo mid uu ka yimid Yeed kuna socda Waajid, halka kan kale la beegsaday xillii ay ka safrayeen Ceel-Barde kuna socdeen Xudur. Ciidamada Itoobiya ayaa fariisimo ku leh Xudur iyo Waajid.

Kooxda Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay dagaalka ku dishay 167 askari oo Itoobiyaan ah, islamarkaana ay burburisay baabuur militari.

Hase yeeshee, safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Mukhtar Mohamed Ware ayaa VOA u sheegay inuu baraha bulshada ku arkay sheegashada Al-Shabaab, wuxuuna ku qeexay “dacaayad.”

“Waa ay isku dayi karaan [inay weeraraan ciidamada Itoobiya] balse xitaa 10 daqiiqo rasaas kuma ridi karaan ciidamada difaaca Itoobiya,” ayuu yiri.

“Ciidankani waa kuwo xirfad leh; waa mid aad u qalabaysan, aadna u abaabulan, mar walbana si adag ayay u garaacaan marka ay timaado Al-Shabaab, marka tani waa dacaayad kaliya; ma ahan wax ka badan dacaayad ka dhan ah Itoobiya iyo ciidamada difaaca Itoobiya.”

Safiirka ayaa uu sidoo kale diiday bayaanka Al-Shabaab oo ku tilmaamay ciidamada Itoobiya inay yihiin “Saliibiyiin.”

“Ma nihin Saliibiyiin; Waxaan halkaas ku joognaa go’aannadii Midowga Afrika iyo beesha caalamka ee lagu taageerayo dowladda sharciga ah ee Soomaaliya iyo dadaalka ay ugu jirto sidii dalkan nabad looga dhalin lahaa. Marka, tani waa dacaayad kaliya oo ay afuufayaan Al-Shabaab oo inta badan lagu yaqaanno.”

Mukhtar Mohamed Ware, safiirka Itoobiya ee Soomaaliya

Itoobiya ayaa kumanaan askari usoo dirtay Soomaaliya kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka ATMIS, iyo ciidamo kale oo Soomaaliya ku jooga heshiisyo ay la gashay dowladda Muqdisho.

Ilo-wareedyo amni ayaa VOA u sheegay in ciidamada la weeraray aysan qeyb ka aheyn ATMIS.

“Weerarka gaadmada ah waa run, dhacdadu waxay ahayd mid xun, laakiin tirada Al-Shabaab ay sheegeen waa la buunbuuniyay,” ayuu yiri il-wareedka.

Isha: VOA

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM