Maxaa looga hadlay kulanka Axmed Madoobe iyo Aadan Barre Ducaale?

Image
Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam iyo Aadan Barre Ducaale, hogaamiyaha Aqlabiyadda baarlamaanka Kenya, ayaa wada-hadallo ku yeeshay magaaladda Nairobi.

Ajendaha kulanka mas'uuliyiinta wali lama shaacin, balse warbaahinta Kenya ayaa tebisay in la iskula soo qaadey arrimaha siyaasadda iyo amniga Jubaland.

Axmed Madoobe oo bishii August ee sanadkaan dib loogu doortay xilka Madaxweynaha Jubaland ayaa Axadii lasoo dhaafay ka degay magaaladda Nairobi.

Aadan Barre oo bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka kusoo bandhigay kulanka ayaan bixin tafaashiida qodobada ay kawada xaajoodeen.

Ducaale oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyey in nabadda, ammaanka iyo dib u heshiisiinta Geeska Afrika lagu faaqiday kulanka "taasoo qayb ka ah qorshooyinka madaxweyne Uhuru Kenyatta".

Hogaamiyaha Aqlabiyadda baarlamaanka Kenya ayaa ka qeybgalay caleema saarkii Axmed Madoobe, iyadda oo magaaladda Kismaayo ay saaran tahay go’doomin ay DFS gelisay.

Sidda ka muuqato sawiradda uu baahiyey Aadan Barre Ducaalle, waxaa wadahadalka ku jiray Wabar Abdulle Wabar Cabdi oo dhinaca waddanka Itoobiya ka yimid.

Ciidamadda Itoobiya ee aan AMISOM kamid ahayn ayaa lagu eedeeyay faragelinta gobolka Gedo, iyaga oo fulinaya codsiga dowladda federaalka oo damacsan in ay halkaas ka hirgeliso maamul ka dhan ah Axmed Madoobe.

Jubaland oo qoraalo dhowr ah soo saartey ayaa waydiistay Beesha Caalamka in askarta Itoobiyaanka gebi ahaanba laga saaro gobolkaas.

Kulanka Axmed Madoobe uu la yeeshay Ducaale, oo ah hogaamiye muhiim ah oo ka tirsan dowladda Kenya, ayaa kusoo aadaya maalmo kadib markii uu Nairobi kula shiray xubno ka tirsan xisbiga ONLF.

Kenya ayaa xiriir dhaw la leh Jubaland, oo ah aag laga ilaaliyo amniga dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Masar oo ka hadashay Qaraxii lala eegtay Dhalinyarada qoranaysay Askarta

Bayaanka Masar ayaa si cad u sheegay taageerada dowladda Masar ee hay’adaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka iyo ciidamada amniga.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 12:56PM

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM