Maxaa looga hadlay kulanka safiirka Mareykanka iyo Xasan Sheekh?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Danjiraha Mareykanka, Donald Yamamoto, ayaa Talaadada maanta ah xarunta safaaradda ee Muqdisho ku qaabilay Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay safaaradda ayaa lagu sheegay in kulankaan gaarka ah looga hadlay xaaladda dalka si qaas ah siyaasadda.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa xubno labada dhinac ka kala socday, sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka oo Garowe Online uu arkay.

Safaaradda ayaa sheegtay in dhinacyadda ay ka doodeen ahmiyadda ay leedahay dhismaha hay'addaha dowladda iyo wada-xaajood ay saamileydu ka yeelato siyaasad loo dhan yahay oo ifisa sooyaalka dalka.

Is-aragan ayaa qayb ka ah wada-hadalo Beesha Caalamka la yeelaneyso madaxda dowladda federaalka, maamulada iyo siyaasiyiinta kahor doorashooyinka 2020-21.

Shirarka ayaa waxaa lagu gorfeynayaa nooca doorashadda, sidii looga baaqsan lahaa muddo kororsi iyo in nidaamku noqdo mid hufan.

Saaxiibadda aduunka ayaa ku tartarsiiyey baarlamaanka federaalka ah in dhamaadka 2019 uu meelmariyo Sharciga Doorashooyinka si mudada haray xukuumadda hadda jirta ugu diyaar-garowdo coddeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM