Maxaadan ogeyn oo maanta ka socda Villa Soomaaliya?
MUQDISHO, Soomaaliya - Macluumaad dheeraad ah ayaa kasoo baxay kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo qaar kamida Xisbiyada Siyaasadeed uga socda xarunta Villa Soomaaliya.
Cabdinuur Maxamed, oo ku magacaaban madaxa warfaafinta xafiiska Madaxweynaha ayaa sheegay in kulanka lagu gorfeynayo arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xaaladda dalka iyo doorashooyinka soo socda ee 2020-21.
Madaxweynaha ayaa wada dedaallo uu ku qancinayo saamileyda siyaasadeed [Political stakeholders], kuwaasoo welwel ka qaban dib u dhac ku yimaada doorashooyinka iyo mudo-korarsi ay sameyso dowladda.
Madaxtooyadda ayaa lagu dhaliilay inay hoos u dhigtay maqaamka kulankii todobaadkii tagey Farmaajo la qaatey madaxda Madaxweyniyeyaashii hore, Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, kuwaasoo hogaamiyay madasha Isbahaysiga xisbiyada ugu waaweyn ay ku midoobeen.
Isbahaysi oo shir jaraa'id qabtay ayaa qodobo kasoo saarey kulanka, kuwaasoo ay kamid ahaayeen in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo raali-gelin ka siiyay Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif carqaladii lagu sameeyay safarkoodii Beledweyne.
Dhanka Xafiiska Farmaajo ayaanan wax hadal ah kasoo saarin qodobada la shaaciyay, waxayna Xildhibaano iyo siyaasiyiin mucaaradka kamid ah ku tilmaameen arintaasi wax aan la aqbali karin, oo bulshada looga qarinayo maclumaadka ay xaqqa u leeyihiin.
Mucaaradka ayaa ku eedeeyay qeybta warbaahinta u qaabilsan Villa Soomaaliya in markii hore si qaldan u sheegtay ajandaha kulankii madaxda madasha Xisbiyada qaran iyo madaxweyne Farmaajo ee arbacadii la soo dhaafey dhacey balse ka aamusay natiijadiisii.
Xisbiga Wadajir, ayaa ka biyo diiday la kulanka Farmaajo, iyadoo C/raxmaan C/shakuur oo gudoomiye uu ka dalbaday Madaxweynaha inuu u caddeeyo shacabka 3 arin, oo kala ah; doorasho xilligeeda ku dhacda, in aysan dhaci doonin mudo-korarsi iyo inuu cudurdaar ka bixiyo weerarkii lagu qaadey hoygiisa December 2017.
Madaxweyne Farmaajo ayaan looga baran inuu shacabka si toos ah ula hadlo, oo shir jaraa'id qabto marka ay jiraan xaalado xasaasi ah, sida arinta muranka badda, is-hortaaggii lagu sameeyay safaradda madaxdii hore iyo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan wadanka.
GAROWE ONLINE