Maxay dowladda uga dhigantahay qabsashada deegaanka Ceel Garas?

Image

CEEL GARAS, Soomaaliya - Ciidamada dowladda ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta deegaanka Cali Garas oo ka tirsan gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa weerar ku qaaday magaalada oo halbowle u ah Ururka ‘AS’. isla markaana xubanaha uruka ayaa isaga baxay deegaanka, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Xildhibaan Maxamed yare oo ka tirsanaa Golaha Baarlamaanka Galmudug iyo Cabdullaahi Ibraahim Shaaciye oo ka tirsanaa Golaha Deegaanka Dhuusamarreeb ayaana ku geeryooday miino oo ay 'AS' ku aaseen wadadooyinka magaalada.

Ciidamada qaranka ayaa wali ka sii wada deegaankaas hawlgal sifayn ah.

Talaabadan ayaa ka dhigan in kooxda ‘AS’ lagu go’doomiyay deegaanada Jowlo, Bargaan iyo Jacar oo gacanta ugu jirto kooxdaas.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa sheegay in tallaabadan ay ka dhigan tahay in howlgalka milateri ee ka dhanka ah ‘AS’ uu weli yahay mid waxtar leh oo lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee ku sugan deegaannada Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo sii daba-dheereeyay Khilaafka Siyaadeed

Ajendaha shirka waxaa ka mid ahaa taageeridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 09:11AM