Maxay ka wada hadleen dalalka Soomaaliya iyo Serbia?

Image

NEW YORK, Maraykanka - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac "Huruuse" ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Serbia Ivica Dačić oo ka qeyb galayay shirweynaha 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii sare loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada tacliinta, tignoolajiyada iyo ganacsiga iyo dhaqaalaha.

Wasiirada ayaa ballan-qaaday inay qaabayn doonaan iskaashiga labada dal iyo sidii loo dardar-gelin lahaa mashaariicda horumarineed ee wadajirka ah, si labada dal iyo shacabkooda loo jiheeyo hormar.

Soomaaliya iyo Seerbiya waxa ka dhexeeya xiriir qoto-dheer oo soo bilaabmay dabayaaqadii 1960-kii; waxaana saldhig u ah ixtiraamka madax-bannaanida dhuleed ee labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM