Maxay ka wada hadleen Wasiirka Shaqada iyo Safiirka Qatar?

Image

MUQDIHSO, Soomaaliya - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim, ayaa maanta kulan la qaatay Danjire Dr. Cabdalla Salem Alnuaimi, Safiirka Qatar ee Soomaaliya. 

Diirada kulanka ayaa ku salaysnayd arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin shaqo abuurka iyo horumarinta xirfada siinta bulshada. Labada dhinac ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya, waxaana ay soo hadal qaateen mashaariicda socda ee ay wadaan Wasaaradda iyo Dowladda Qatar.

Intii uu socday kulanka waxa uu Wasiir Ibraahim warbixin guud ka bixiyay qorsheyaasha Wasaaradda ee ku aaddan horumarinta shaqo abuurka iyo tayeynta xirfadaha bulshada, gaar ahaan dhallinyarada. 

Danjire Alnuaimi ayaa qiray xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, wuxuuna carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la sii xoojiyo.

Gabagabadii, Wasiir Ibraahim ayaa uga mahadceliyey Danjire Alnuaimi soo dhaweynta wanaagsan ee loo sameeyay, wuxuuna ku celceliyay inay ka go’an tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Qatar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM