Maxay kala yihiin qodobada ugu muhiimsan ee ka soo baxay Shirka Mucaaridka Puntland?

Image

GAROWE, Soomaaliya - Siyaasiyiintii mucaaridka ee ka qeyb galay shirkii wadatashiga ee 11-kii iyo 12-kii bishan ka socday magaalada Caasumada ee Garowe ayaa soo saaray war-murtiyeed ka kooban dhowr qodob oo muhiim ah.

War saxaafadeedka ayaa si kulul loogu dhaleeceeyay siyaasadii Madaxweynaha dhawaan xilka kasii degaya Siciid Deni, taasoo ka qayb qaadatay in Puntland ay ka go’do dawladda Faderaalka iyo Caalamkaba, sidoo kalena qayb ka qaatay kala qaybinta shacabka Puntland.

Kutladda mucaaradka ayaa ku heshiiyaan qodobada soo socda:

1- Diidmada wax ka bedelka dastuurka iyaga oo ku tilmaamay in aanay loo marin habraac sax ah.
2- Waxay diideen muddo kordhin kasta oo loo sameynaayo hay’adaha dowladda.
3- Waxay ku baaqeen in lagu qabto doorashada hanaankii loo mari jiray ee 66dii xildhibaan.
4- Shirka ayaa ugu baaqay Isimadu in ay doorkooda ka qaataan arrimaha doorashada oo ay soo doortaan xildhibaanada.
5- Shirka ayaa taageero lagu muujiyay maamulka SS-Khaatumo & guulaha ay gaareen, iyagoo ku booriyay in la tixgeliyo rabitaankooda.
6- Shirka ayaa lagu soo dhaweeyay dadaallada dowladda Federaalka ay kula dagaalamayso kooxda AS.

Ugu dambeyn, siyaasiyiinta ayaa ku dhawaaqay inay aasaaseen dallad cusub oo loogu magacdaray “Dalladda Mucaaridka Puntland” oo ay ku mideysan yihiin dhammaan Ururrada & Goleyaasha mucaaradka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM