Farmaajo oo lagu dhaliilay in uu awooda "ugu deeqay" Fahad Yaasiin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhaliilay in Taliyaha Sirdonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin, uu qabanqaabiyo kulankii madaxweyne Farmaajo iyo labadii hogaamiye ee ka horeysay.

Is-araggaas oo qabsoomay 21-kii November 2019 ayaa qaatay saacado, iyadda oo aan laga soo qaadin sawirro iyo muuqaalo, sidda ay ku heshiiyeen.

Madaxda ayaa isla gartay dhowr qodob oo ay kamid tahay; doorashada soo aadan oo aan waqti ku darsi lagu sameyn, amniga oo aan la siyaasadeyn iyo dagaalka Al-Shabaab oo loo midoobo. Villa Soomaaliya kama hadlin maxsuulka.

Fahad ayaa ahaa laf-dhabarka qabsoomida shirka oo yimid markii Shariif Sheekh Axmed uu ku goodiyey in Muqdisho ka saari doono dowladda Farmaajo hadii aysan joojin "dulmiga" ay ku carqaladeysay safarkoodii Beledwayne.

"Madaxweyneyaasha hadda la kulmay Farmaajo waxa soo raadiyey waa taliyaha nabad-sugida, soo lama socotaan," ayuu ku bilaabay. "Ninka u yimid oo dhexdhexaadinaa gala yiri waa taliyaha nabad sugida".

Siyaasi Cabdiraxmaan ayaa wuxuu intaasi ku daray "….oo yiri madaxweynaha in aad la kulan-taanaa rabaa yiri, waa dulqaad badan yihiin runtii, aad iyo aad ayaan u ammaanayaa dulqaadka Xasan Sheekh iyo Shariif".

"Sababtoo ah, Farmaajo isaga oo Nairobi ka caytamay oo aflagaado intuu geysan karo geystay, in ay u tagaan oo ay la kulmaan waa ay ku mahadsan yihiin iyaga oo xeerinaya danta Soomaaliya," ayuu hoosta ka xariiqay.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta dowladda Soomaaliya ayaa xusay "laakiin yaa garwdeen ka ah waxaa la leeyahay taliyaha nabad-sugida, taliyaha nabad-sugida xaguu siyaasadda uga jiraa? Aaway ra'iisul wasaarihii?

"Ra'iisul wasaarihii aaway, ileyn Soomaali waa 4.5 labada madaxweyne degaan ahaa waxay kasoo jeedaan degaankiisa ayay kasoo jeedaan, aaway ra’iisul wasaaraha?" ayuu carabka ku adkeeyay Mr Warsame.

"Taliyaha nabadsugidaa soo qabanaayo kulanka, madaxweynahaa oo geynayaa, dalkana waxaa noola sheegayaa in uu ra'iisul wasaare leeyahay, aaway ra’iisul wasaarihii?" ayuu mar kale is-waydiiyey Cabdiraxmaan.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ayaa raaciyey: "Kulamadda maku jiray? Maya, qeyb maka ahaa? Maya, soo deegaankiisa iyo dadkiisa maaha waxa la leeyahay madaxweynaha hala xaajoodo?

Wuxuu tibaaxay "Madaxweynaha wuxuu kusoo fashilmay in uu qanciyo dadkii degaan doorashadiisa ahaa, oo Jubaland qanciyo oo Gedo qanciyo uu ku fashilmay madaxweynaha, waa degaan doorashadiisa".

"Ra'iisul Wasaaraha-na uma ogola in uu la xaaltamo degaan doorashadiisa, wuxuu leeyahay taliyaha nabadsugida adiga soo qabo shaqadda. Waa in aan sidda ay siyaasadda leedahay uga hadalnaa," ayuu caddeeyay.

Cabdiraxmaan ayaa wuxuu talaabadaas ku qeexay "waxaan u haysanaa 'anniga waxaan isoo marin, aniga waxaan yeelin waan fashilanahay, wax kasta aniga lee qabanaayo, cid kaloo wax u ogolahay ma jirto".

"Adeer siyaasadda Soomaaliya waa 4.5 [awood qeybsigeeda] hadartaan," ayuu cod dheer ugu sheegay madaxda taladda haysa.

Wuxuu ku daray: "Laba arrimood ha la isku talo, madaxweyne iyo ra’iisul wasaare waa la sameeyay iyo awood qeybsina [saldhig] ayaa loo sameeyay oo ah in dadka ay degaan doorashooyin kala metelaan".

Mr Warsame ayaa filayey "hadii labada madaxweyne iyo dadka lamida ee degaanka Muqdisho ay dowladda la ra’yi duwan yihiin hadii lala xaajoonayo cidda la xaajooneysa uu yahay ra'iisul wasaaraha, laakiin ma aha".

"Waxaa la leeyahay taliyaha nabadsugida, aniga taliyaha nabadsugida meel uu siyaasadda uga jiro magaranaayo, taliyaha nabad-sugida, shaqo nabadsugidaa ku ognahay, shaqo siyaasadeed kuma ogi," ayuu ku adkeystay.

Xili uu meesha ka saarey oraahda ah "midaan nahay" iyo "madaxweynahaa ku kalsoon" ayaa ku nuuxnuux saday baahida loo qabo in banaanka loosoo saaro "waxa gudaha ku jira ee la daboolaayo ee la qarinaayo".

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kamid ahaa murashaxiintii kula tartantay Farmaajo doorashadii bishii Febraayo 2017-kii.

Xisbiga Wadajir ayaa dhowaan qaadacay shir uu madaxweynaha la qaatay xisbiyadda sida ku meel gaarka ah u diiwaan-gishan, kuwaasoo uu kala hadlay doorashadda lagu waddo in ay ka qabsoonto dalka 2020-21.

Coddeyntaas ayaa waxaa lagu rajo weyn yahay in ay noqoto qof iyo cod, wallow su'aallo badan ay ku geedaaman yihiin, maadaama uusan wali jirin heshiis loo dhan yahay oo dowlad goboleedyadda waddanka qayb ka yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM