Maxkamad Mareykan ah oo go’aan ka gaartay eedeysane loo heysto dilka Imaam Soomaaliyeed

Image

COLUMBUS - Maxkamad ku taalla Gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa go’aan ka gaartay eedeysanaha loo heysto dilka Imaamkii Masjidka iyo Ganacsade Soomaaliyeed, Maxamed Xasan Aadan.

Xeer-beegtida oo ka kooban 12 xubnood ayaa xaqiijiyay in dambiilaha oo lagu magacaabo John Wadden uu galay dambiyo isugu jira afduub, dhac iyo dil ula kac ah.

Maxkamadda ayaa xukunka lagu riday ku dhawaaqi doonto 15-ka bisha December ee danadkan.

Kiiskan waxaa ku jira eedaysane kale oo lagu magacaabo Brown Miller, kaas oo la hor keeni doono maxkamadda si loo dhageysto gal dacwadeedkiisa.

Miller ayaa la filayaa in la horkeeno maxkamada horaanta bisha Janaayo ee sanadka soo socda.

Imaam Maxamed Xasan Aadan ayaa bishii December 2021 lagu dilay magaalada Columbus, Ohio ee dalka Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM