Maxkamad shaqsi Soomaali ah ku heshay dambiyo culus

Image

TORONTO, Canada – Guddi xeerbeegto oo heer federaal ah ayaa shaqsi Soomaali ah ku helay 11 fal dambiyeed oo shan kamida ay yihiin isku day khaarijin.

Cabdullaahi Xasan Shariif, 22-sano jir, ayaa la sheegayaa in dambiyaddan uu sanadka markii uu ahaa 2017-kii ka geystay magaalooyin kala duwan.

Shariif oo isku dayga dil ku geystay Toorey ayaa waxaa la sheegayaa in uu mid kamid ah ku beegsaday sarkaal boolis ah.

Gaari nooca xamuulka ah oo uu soo kireystay ayaa la tilmaamay in uu ku geystay fal-dambiyeedkan aadka u culus.

Xaqiiqooyinka cajiibka ah ee laga diiwaan-geliyay ayaa waxaa kamid ah in uu diidey in uu qabsado wax qareen ah oo difaaca.

Sidda ay sheegeen goobjoogeyaal maxkamadeynta ku sugnaa, intii lagu guda jiray dhageysiga wuxuu ku adkeystay "aniga dambi ma gelin".

Bashiir Xaaji Cali Jamaal, oo jaaliyadda Soomaaliyeed kamid ah, ayaa sheegay in eedeymaha Shariif ay yihiin kuwa maalin ka dhaca aduunka.

"Magaca Soomaaliya meel badan oo aduunka ah oo ay Canada ku jirto ayaa lagu waxyeeleeyaa maalin walba," ayuu u sheegay VOA-da.

Sidda laga soo xigtay sharci yaqaanadda la socda kiiskan, Shariif ayaa wuxuu wajihi karaa ugu yaraan xukun gaaraya tobban illaa iyo 25-sano oo xabsi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dadaallada Dhexdhexaadinta Turkiga ee Khilaafka doorashadda Soomaaliya oo Wajahaya Dib-u-dhac iyo Cadaadis Caalami ah

Khilaafkaasi ayaa sababay in dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga ee ku lugta leh hawsha ay ka fiirsadaan inay dib ugu laabtaan magaalada Ankara.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 07:53PM

"11 saacadood ayaa la i weydiinayay su'aalo" – Cumar Cartan

Wuxuu intaas ku daray inuu tusay saraakiisha waraaqihii rasmiga ahaa ee horyaalka FIFA iyo sawirrada taariikhda garsoorenimo ee uu leeyahay.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 06:37PM