Maxkamadda Ciidamadda oo dil toogasho ku ridday Cabdullaahi Cali

Image
Image

GAALKACYO, Soomaaliya – Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah waxay dil toogasho garka u gelisay Cabdullaahi Cali Aadan.

Aadan oo "lagu helay" Al-Shabaabnimo iyo weerarkii 26-kii November 2019 lagu ekeeyay xarun ku taala Gaalkacyo ayaa kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Duulaanka lagu qaadey xarunta oo uu maamule ka ahaa wadaadka Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare ayaa lagu dilay 14 oo uu ku jiro Sheekha.

Al-Shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda ayaa qiil ka dhigatay in uu "caayey" Nabi Maxamed NNKH "una dhigtay" tirro dhowr jeer ah.

Dacwad-oogeyaasha ayaa ku adkeystay in xukunsanaha uu degaankiisa uga yimid "si uu u laayo dad shacab ah oo aan waxba galabsan".

Qareenkiisa oo ku doodey "in la dhuufsaday" ayaa soo jeediyey in loo naxariisto maadaama "uu yahay wiil dhalinyaro ah oo la marin-habaabiyey".

Garsooreyaasha oo xukunka ku dhawaaqay ayaa waxay shaaciyeen in go’aankooda uu yahay qisaasta dadkii ku naf-waayey weerarkaas.

Marxuumiinta ayaa waxaa kamid ah caruur iyo askari, sidda ku xusan warqadda dacwadda oo nuqul kamid ah uu arkay mareega Garowe Online.

Cabdullaahi ayaa xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida wuxuu kaga biiray 2014-kii degmadda Qansax Dheere ee gobolka Baay, koonfurta Soomaaliya.

Sidda la sheegay, maadaama hooyadii ay dhimatay Aabihii ayaa lasoo wariyey in uu ka saacidi jiray koriinka caruurtooda oo gaaraya illaa iyo afar.

Iyadda oo aan la ogayn waxa ku kalifay in uu xagjiroobo, kiisas la xiriira xubno ay dharuuf-haleeshay kadibna kamid noqday ururka ayaa horey loo arkay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM