Maxkamadda Ciidamadda oo dil toogasho ku ridday Cabdullaahi Cali

Image
Image

GAALKACYO, Soomaaliya – Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah waxay dil toogasho garka u gelisay Cabdullaahi Cali Aadan.

Aadan oo "lagu helay" Al-Shabaabnimo iyo weerarkii 26-kii November 2019 lagu ekeeyay xarun ku taala Gaalkacyo ayaa kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Duulaanka lagu qaadey xarunta oo uu maamule ka ahaa wadaadka Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare ayaa lagu dilay 14 oo uu ku jiro Sheekha.

Al-Shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda ayaa qiil ka dhigatay in uu "caayey" Nabi Maxamed NNKH "una dhigtay" tirro dhowr jeer ah.

Dacwad-oogeyaasha ayaa ku adkeystay in xukunsanaha uu degaankiisa uga yimid "si uu u laayo dad shacab ah oo aan waxba galabsan".

Qareenkiisa oo ku doodey "in la dhuufsaday" ayaa soo jeediyey in loo naxariisto maadaama "uu yahay wiil dhalinyaro ah oo la marin-habaabiyey".

Garsooreyaasha oo xukunka ku dhawaaqay ayaa waxay shaaciyeen in go’aankooda uu yahay qisaasta dadkii ku naf-waayey weerarkaas.

Marxuumiinta ayaa waxaa kamid ah caruur iyo askari, sidda ku xusan warqadda dacwadda oo nuqul kamid ah uu arkay mareega Garowe Online.

Cabdullaahi ayaa xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida wuxuu kaga biiray 2014-kii degmadda Qansax Dheere ee gobolka Baay, koonfurta Soomaaliya.

Sidda la sheegay, maadaama hooyadii ay dhimatay Aabihii ayaa lasoo wariyey in uu ka saacidi jiray koriinka caruurtooda oo gaaraya illaa iyo afar.

Iyadda oo aan la ogayn waxa ku kalifay in uu xagjiroobo, kiisas la xiriira xubno ay dharuuf-haleeshay kadibna kamid noqday ururka ayaa horey loo arkay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM