Maxkamadda G.Banaadir oo amartay in lasoo xiro Bahlaawi

Image

MUQDISHU, Somalia- Maxkamadda gobolka Banaadir, ayaa soo saartay waaran lagu xirayo Agaasihii wasaaradda Warfaafinta Somalia, oo shaqo fariisin lagu sameeyay markii la magacaabay Wasiir Yariisow.

Agaasime Cabdirasaaq Cali Yusuf (Bahlaawi), ayaa ku gacan sayray shaqo joojintaas lagu sameeyay isagoo sidoo kale diiday inuu wareejiyo shaqafa xafiiska.

Amar kasoo baxay makamadda gobolka Banaadir, ayaa lagu sheegay in Bahlaawi lasoo qabto islamarkaana maxkamad lasoo taago.

Maxkamadda ayaa waaranka u cuskatay Codsi uga yimid Xeer ilaalinta gobolka, waxaana taliyaasha iyo Taliska guud ee gobolka la faray in gacanta lagusoo dhigo mas’uulkaas.

Lama oga sababta uu u diiday amarka Wasiirka, balse Yariisow ayaa waraaq uu horay usoo saaray wuxuu sheegay in mas’uulkaas aan loo ogolaan inuu soo galo xarunta wasaaradda isagoo sidoo kale codsi u tiray taliyaasha mas’uulka ka ah gobolka inay arrintaas la socdaan.

Bahlaawi ayaa hadda ku sugan magaalada Muqdishu, wuxuuna muddo hayay xilka Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM