​Maxkamadda oo mar kale xukuntay Askarigii loo haystay dilka Wasiir Siraaji [Dhagayso]

Image

MUQDISHU, Somalia- Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee dalka Somalia ayaa saaka dil toogasho ah ku xukuntay askarigii loo haystay inuu ka dambeeyay dilkii  Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Xukuumadda Cabaas Siraaji.

Xukun sugahan ayaa racfaan ka qaatay xukunkii dilka ahaa ee Maxkamadda darajada koowaad ku riday 19-kii bishii June, taasoo keentay in kiiskiisa la geeyo Maxkamadda sare ee dalka.

Maxkamadda sare ee Somalia ayaa laashay racfaanka Axmed Cabdullaahi Cabdi (Caydiid) oo ah 29 jir ka mid ahaa Ilaalada Hanti dhowrihii Guud ee dalka Nuur Faarax Jimcaale. iyadoo ku xukuntay dil toogasho ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee ciidamada Qalabka sida Soomaaliya Liibaan Cali Yarow oo Saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay cadeymaha iyo qiraalka maxkamadda la hor keenay, xukunka Caydiid uu yahay dil toogasho ah.

Wasiirkii Hawlaha guud ee Xukuumadda Somaliya Cabbaas Cabdillaahi Sheekh Siraaji ayaa la dilay 03-dii Bishii May ee sanadkaan, kadib markii markii isaga oo wata gaari yar laba xabadood lagu dhuftay, xilli uu hormarayay meel aanan ka fogeyn Madaxtooyadda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM