​Maxkamadda oo mar kale xukuntay Askarigii loo haystay dilka Wasiir Siraaji [Dhagayso]

Image

MUQDISHU, Somalia- Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee dalka Somalia ayaa saaka dil toogasho ah ku xukuntay askarigii loo haystay inuu ka dambeeyay dilkii  Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Xukuumadda Cabaas Siraaji.

Xukun sugahan ayaa racfaan ka qaatay xukunkii dilka ahaa ee Maxkamadda darajada koowaad ku riday 19-kii bishii June, taasoo keentay in kiiskiisa la geeyo Maxkamadda sare ee dalka.

Maxkamadda sare ee Somalia ayaa laashay racfaanka Axmed Cabdullaahi Cabdi (Caydiid) oo ah 29 jir ka mid ahaa Ilaalada Hanti dhowrihii Guud ee dalka Nuur Faarax Jimcaale. iyadoo ku xukuntay dil toogasho ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee ciidamada Qalabka sida Soomaaliya Liibaan Cali Yarow oo Saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay cadeymaha iyo qiraalka maxkamadda la hor keenay, xukunka Caydiid uu yahay dil toogasho ah.

Wasiirkii Hawlaha guud ee Xukuumadda Somaliya Cabbaas Cabdillaahi Sheekh Siraaji ayaa la dilay 03-dii Bishii May ee sanadkaan, kadib markii markii isaga oo wata gaari yar laba xabadood lagu dhuftay, xilli uu hormarayay meel aanan ka fogeyn Madaxtooyadda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda oo Ciidamo diyaarado ku geysay Gedo Iyadoo Xiisad Ka Taagan Tahay Balad Xaawo

Isu-soo-baxa ciidamada labada dhinac ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in dagaallo kale oo hor leh ay ka qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    25-07-2025

  • 08:59AM

Al-Shabaab oo Weerarro Ku Qaaday Saldhigyo Militari oo Ku Dhow Muqdisho

Dowladda Federaalka iyo howlgalka Midowga Afrika ee ayaan ilaa iyo hadda si rasmi ah uga hadlin weerarradan Jimcaha Maanta ah dhacay.

  • Soomaliya

    25-07-2025

  • 08:37AM