Maxkamadda Sarre oo bilowday dhageysiga dacwada Himilo Qaran

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Sarre ee Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah waxay si rasmi ah u bilowday dhageysiga gal-dacwadeedka uu xisbiga Himilo Qaran ka gudbiyey hay'adda duulista rayidka.

Baasha Axmed Yuusuf, gudoomiyaha xeer-beegtada ugu sareysa waddanka, ayaa gudoominayey dhageysiga dacwadda oo ka qabsoontay xarunta maxkamadda ku leedahay magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.

Telefishinka ku hadla afka dowladda ayaa si toos ah looga baahiyey fadhiga oo dadweynaha qeybtood loo ogolaaday in ay goobjoog ka noqdaan.

Dhinacyadda ay dacwaddu u dhaxeysay ayaa soo bandhigay doodoodu, iyaga oo la siiyey waqtiga ay ku dhameysan karaan.

Maxkamadda ayaa u balantay fadhi kale, kaasoo waqtiga uu qabsoomayo aanan si rasmi ah loogu soo bandhigin warbaahinta iyo goobjoogeyaasha ka kala socda dhinacyada kiisku dhaxeeyo iyo bulshadda.

Dacwadda xisbiga Himilo Qaran oo uu hogaamiyo Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, ayaa ku saabsan is hortaag lagu sameeyay socdaal ay ku tagi lahaayeen Kismaayo.

Safarkooda ayaa wuxuu daarnaa ka qeybgalka caleema saarka Axmed Maxamed Islaam, madaxweynaha Jubbaland, kaasoo coddeyn xalaal iyo xor ah oo ka qabsoontay xarunta gobolka Jubadda Hoose.

Maxkamadda Sarre ee Soomaaliya ayaa ka kooban shan garsoore oo uu soo magacaabo madaxweynaha. Mr Baashe ayaa u sheegay VOA-da, horaantii bishaan, in aysan farogelin kaga imaan karin Laanta Fulinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti kordhinaysa Ciidanka ka jooga gobolka Hiiraan xili Al-Shabaab 2 degmo lawareegtay

Al-Shabaab ayaa dhawaan la wareegtay Moqokori iyo Maxaas oo Hiiraan katirsan, halkaasoo ay Ciidamada Jabuuti ka howlgalaan.

  • Soomaliya

    31-07-2025

  • 05:43AM

Sidee Ciidanka Taageersan Dowladda Federaalka Ula Wareegeen Gacan Ku Haynta Beled-Xaawo?

Ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay…

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 08:11PM