Maydad kale oo laga helay Xeebaha Yemen

Image

Maydad kale oo hor leh ayaa lagusoo waramayaa inay kusoo caariyeen xeebaha dalka Yemen, kadib duqayntii dhacday todobaadkan horaantiisa oo ay ku dhinteen in kabadan 40 qof.

Saddex ruux oo kamid ahaa dadkii saarnaa doonta ayaa kusoo caariyay xeebta degmada Xudayda.

Wali waxaa jira dad kale oo maqan kuwaasoo la sheegay inay yihiin hooyo iyo labo Carruur ah oo ay dhashay.

76 ruux oo kamid ahaa dadkii kasoo bad-baaday duqayntaas ayaa waxaa gacanta ku haya Xuutiyiinta Yemen, waxayna u diideen inay adeegsadaan khadadka Is-gaarsiinta.

Dadkan ayaa dhammaantood waxay ku jiraan xabsi ku yaalla magaalada Xudayda.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda duqayntaas, inkastoo dowladda Somalia ka codsatay is-bahaysiga Sacuudigu inay kiiskaas baaraan.

Balse, Gaashaan-buurta duqaynta ka wada Yemen ayaa sheegtay inaysan ka dambayn falkaas.

Dadkan ayaa ka qaxayay dagaallada kasocda Yemen, waxayna kusii jeedeen dalka Suudaan, halka warar kale sheegayaan inay ahaayeen muhaajiriin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubaland oo Ku Hareereysan Janan: Wararkii Ugu Dambeeyay Gobolka Gedo

Ilo wareedyo maxalli ah oo la hadlay Garowe Online ayaa xaqiijiyey in ciidamo …

  • Soomaliya

    23-07-2025

  • 12:52PM

Deeq-bixiyayaasha oo ka niyad-jabaan guul-darrada dowladda Soomaaliya ee dagaalka Al-Shabaab

Magaalooyin lagu tilmaamay tusaalooyin lagu xasilloonaan lahaa, sida Masaajid Cali Gaduud iyo Adan Yabal.

  • Soomaliya

    23-07-2025

  • 07:16AM