Soomaaliya: AU-da oo Al-Shabaab u aqoonsatay "Khawaariij"

Image
Ergeyga Midoowga Afrika ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay adeegsaday erey-bixintaas.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergeyga Midoowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay kooxda Alshabaab ku tilmaamay in ay yihiin Khawaariij, sidda ku cad war-saxaafadeed uu soo saarey.

Ereybixintaasi uu adeegsaday danjire Maxamed Al Amiin Sauuf  oo sidoo kale ah madaxa howlgalka ATMIS ayaa ah mid diimeed oo ay dowladda Soomaaliya u aqoonsatay kooxdani.

"Al-Shabaab waxa ay lumiyeen dhul balaaran, walaalaheen Soomaalida ah waxa ay sii wadi doonaan in Khawaariijta argagixisada ah ay ka sifeeyaan dalk," ayuu bayaanka ku yiri Sauuf.

Sauuf ayaa warka qoraalka ah ku caddeeyay in talaabadan "ay bulshada ay ku helayso amni, xasilooni iyo nadad, kuwaas oo muhiim u ah dhaqaalaha iyo horumarka bulshada".

Wakiilka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in ay kaalin fududeyn iyo isku dubarid ah ku leeyihiin hawlgalada socda oo aysan ATMIS si toos ah uga mid ahayn.

Ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa degaanka ayaa markii ugu horeysey muddo sannooyin ah kadib xoogaga hubeysan ku baacsanaya dhulka miyiga ah oo ay mar ku xoog badnaayeen ururka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Halkee marayaa cadaadiska Dowladda Federaalka ku hayso ATMIS iyo diidmada Lafta-Gareen?

Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulan u dhexmarey taliye sare oo…

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 04:40PM

Laftagareen oo Baydhabo ka bilaabay kulamo ku saabsan “faragelinta” dowladda Federaalka

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in xiriirka u dhexeeya labada heer ee dowladda uu noqdo mid ku dhisan ixtiraam iyo wada-tashi dhab ah.

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 12:28PM