Midowga Yurub oo ku baaqay in la maalgeliyo horumarka Soomaaliya

Image

BRUSSELS, Belgium - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Brussels kula kulmay guddoomiyaha guddiga midawga Yurub ee Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah, Neven Mimica.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Neven Mimica ayaa waxaa looga hadlay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha dib-u-qaabeynta ee dowladdu wado.

Mimica ayaa wuxuu cod dheer ku caddeeyay in midawga Yurub ay sii wadayo taageeradiisa arrimaha dib-u-habeynta ee guulaha wanaagsan laga gaaray.

Gudoomiyaha oo sii hadlaya ayaa wuxuu sheegay in Soomaaliya ay u baahantahay maal gelin xooggan oo wax ku ool ah, si loo gaaro horumarka la hiigsanayo.

Khayre oo Faransiiska uga qayb galay shirka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris, ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium, u yimid inuu kulamo la qaato hoggaanka cusub ee Midawga Yurub.

EU-da ayaa kamid ah deeq-bixiyeyaasha ugu badan ee taakuleeya xukuumadda Muqdisho. Taageeradooda waxay daaran tahay dhanka siyaasadda, amniga, dagaalka argagixisadda iyo kobcinta dhaqalaaha.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah ayaa ku booriyey daneeyayaasha caalamka in ay taageeradooda ku saleeyaan baahiyaha dhabta ah ee ka jira gudaha dalka ayna isbedel la yimaadaan.

GARAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM