Milatariga Mareykanka oo ka hadlay xaalada Soomaaliya

Image
AFRICOM ayaa taageero weyn waxay u muujisay baaqyadii u dambeeyay ee Beesha Caalamka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Mareykanka ee qaaradda qaaradda Afrika ayaa si weyn wuxuu taageero ugu muujiyey baaqyadii ugu dambeeyay ee Beesha Caalamka kasoo saartey xaaladda Soomaaliya.

Qoraal kooban oo lagu daabacay ciwaanka gaarka ah ee AFRICOM ku leedahay mareegga Twitter-ka ayaa lagu xaqiijiyey in suurtagal ay tahay in xasaradaha siyaasadeed wiiqaan ammaanka.

Sida laga soo xigtey bayaanka AFRICOM, ciidanka Soomaaliya waxaa waajib ku ah in ay naf-hurnimo u muujiyaan sidii ay usoo afjari kooxaha argagixisadda ah ee ammaanka halista ku ah amniga.

"Taliska Mareykana ee Afrika wuxuu si buuxda ugu taageerayaa Beesha Caalamka, wasaaradda arrimaha dibadda iyo USAID baaqyadooda ku saabsan in la qaboojiyo xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Bayaanka waxaa la raaciyey: "Ciidamadda Soomaaliya waxaa waajib ku ah in ay wajahaan khataraha dhanka amniga ah ee kaga imaanaya kooxaha argagixisadda ah kuwaasoo gummaadaya shacabka aan waxba galabsan".

War-saxaafadeedkii ugu dambeeyay ee Beesha Caalamka kasoo saartey xaaladda Soomaaliya waxaa lagu adkeeyay qabsoomida shirka golaha wadatashiga qaranka ee dib loogu eegayo doorashada.

Hogaamiyeyaasha Soomaalida ayuu ku tartarsiiyey in ay danta qaranka ka horumariyaan wax walba iyo in ay dhinac iska dhigaan is-qabqabsiga ayna diiradda saaraan qabsoomida doorashooyinka daahay. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Ka Jawaabay xayiraadda Fiisaha : "Yurub Waxay Soo Celinaysaa Dad Aan Soomaali Ahayn"

Madaxweynaha Soomaaliya, ee mudo-xileedkiisa dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaashaanka ku dhuftay go'aankaas.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 12:55PM

Xasan Sheekh Oo Taliye u magacaabey Guuto Cusub oo Ka Sammaayay Boosaaso, Puntland

Tallaabooyinkan ayaa sidoo kale dowladda ka sameysay gobollada Mudug iyo Nugaal, oo ay usoo dirtay siyaasiyiin Muqdisho mudo ku sugnaa.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 10:56AM