Mooshin gole soo joojin ah oo laga gudbiyey wasiir ka tirsan xukuumadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaano gaaraya tobban kuwaas oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ka gudbiyey mooshin gole soo joojin ah.

Afhayeenka Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa la sheegayaa in uu qabtay soo jeedinta isla markaana Wasiir Maxamed Cabdullaahi Salaad [Oomaar] faray in uu golaha hor-yimaado 1-da December.

Sidda ku xusan Mooshinka, Oomaar ayaa laga doonayaa in uu sharaxaad ka bixiyo xayiraadda hawada ee Kismaayo iyo is hortaagii lagu sameeyay wafdii xisbiga mucaaradka ah ee Himilo Qaran.

Xildhibaanadda saxiixay Mooshinka ayaa badankooda ka tirsan Madasha Xisbiyadda Qaran oo ay ku mideysan yihiin illaa iyo lix xisbi siyaasadeed.

Wafdiga Xisbiga Himilo Qaran ayaa kusii jeeday ka qeybgalka caleema saarka madaxweynaha dib loo doortay ee Jubaland, Axmed Maxamed Islaam.

Xisbigan oo uu hogaamiyo Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii 7aad ee dalka, ayaa dacwad ka gudbiyey Hay’adda Duulista Rayidka, isaga oo ku eedeeyay xadgudub dastuuri iyo ku tamasho xuquuqda muwaadinka.

Maxkamadda Sarre ee Soomaaliya ayaa bilowday dhageysiga gal-dacwadeedka, kaasoo heerkii ugu horeeyay maraya isla markaana loo balansan yahay in uu ka qabsoomo fadhiga labaad maalmaha soo aadan.

Mooshinka gole soo joojinta ah ayaa la filayaa in uu cadaadiska ku kordhiyo dowladda oo lagu eedeeyo in ay sidii ay danaheeda uga heli lahayd Jubaland ay adeegsaneyso maquunin siyaasadeed iyo ciidamo Itoobiyaan ah.

QORAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM