Mowqifka Soomaaliya ee xukun walba oo ICJ ay ku riddo dacwadda badda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday go’aanka ay ka qaadaneyso xukun walba oo Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ay ku rido dacwadda badda.

Gal-dacwadeedkan oo taagan tan iyo bishii August ee 2014-kii ayaa u dhaxeeya xukuumadaha fadhigoodu yahay magaalooyinka caasimada ah ee Muqdisho iyo Nairobi.

Kiiska ayaa si gaar ah wuxuu u quseeyaa goob ku taala xadka labada ee dhanka badda, halkaas oo hodan ku ah kheyraad sida Gaaska naqaska ah iyo Shidaal.

ICJ ayaa muddeysay in ay dib u bilaabeyso dhageysiga gal-maqalka bisha June ee 2020-ka kadib codsi waqti kordhin ah oo ka yimid dowladda Kenya.

Cabdirashiid Maxamed Axmed, wasiirka batroolka iyo macdanta Soomaaliya, ayaa caddeeyay in dalku diyaar yahay waqtiga la go'aamiyey.

"Mowqifka Soomaaliya ee kiiska badda wuu cad-yahay, waxaana ka dhowr-sugeynaa Maxkamadda ICJ oo aan geynay," ayuu ku sheegay wareysi uu todobaadkii hore siiyey TV-ga CNBC Africa.

Mr Axmed ayaa ka dhawaajiyey in dalka uu bisha December uu bilaabayo bixinta shatiyadda xirmooyin shidaal laga soo saarayo.

Goobta laga helay shidaalka 30-bilyan oo fuusto ah oo ku jira 15-xirmooyin kuma yaalaan "halka lagu muransan yahay," sidda uu ka dhawaajiyey wasiirka.

Dhageysiga bisha June ee sanadka dame oo noqon doona dood afeed ay min laba maalmood qaadan doonan dhinacyadda ayaa kadib waxaa soo bixi doono xukunka ICJ oo rafcaan lahayn.

"Annaga Soomaali ahaan waan u hogaan-sami doonaa xukun walba oo ay ICJ ku riddo kiiska," ayuu si cad daaha uga rogay wasiir Cabdirashiid.

Xukunka xeer-beegtada hoostaga hoostagta Qaramadda Midoobay ayaa waxaa la socda lacago ganaax ah oo garka loo gelin doono dalka laga xukmiyo kiiska, wallow uu awood u leedahay in uu qaadaco.

Hadalka dowladda Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili Kenya cadaadis lagu saarayo in ay gebi ahaanba isaga baxdo gal-dacwadeedkan "maadaama guusha looga cad-cad yahay ayna noqoneyso bad la'aan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM