​Mukhtaar Roobow oo diiday Dalab uga yimid kooxda Al Shabaab

Image

Wararka laga helayo degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa sheegaya in Mukhtaar Roobow Abu-Mansuur uu diiday dalab uga yimid kooxda Alshabaab kaas oo ah in dib uga mid noqdo kooxdan oo uu hore uga tirsanaan jiray.

Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin Axmed oo waraysi siiyey Laanta Af-Somaliga ee VOA ayaa sheegay in Roobow uu diidsay codsiga Al Shabaab ayna soo baxayaan in ay macquul tahay inay weerar ku qadaan madaama ay ku hareeraysan yihiin.

“Waxaa nagu maqaala in culays la saaray oo ay isku dayeen inay la hadlaan uuna dib uga mid noqdo Alshabaab wuuna ku gacan saray markaa arrimahaas ka dib inay is abaabulayaan oo ay meeshuu joogo inay ku weeraraan  doonayaan ayaa nasoo gaaraysa,” Ayuu yiri gudoomiyaha degmada Xudur.

Mar la waydiiyey in weli wax gacan ka hadal uu dhexmaray ciidamo Alshabaab oo aan ka ag fogayn deegaanka uu Mansuur ku sugan yahay isaga meleshiyaadka daacada u ah ayuu sheegay inan weli dagaal dhex marin balse wararka degaankas ay ka helayaan ay muujinayan cabsi dagaal oo labadan dhinac dhex mara.

Abu Mansuur oo ka tirsanaan jiray madaxda sare ee Alshabaab ayaa 2013 ka tegay ka dib markay is khilaafeen hogaamiyihii kooxdan ee Maraykanu duqaynta ay ku dileen.

Maraykanka ayaa dhawaan ka saaray Liiska argagixsada waxayna dib ula noqdeen shan milyan oo doollar oo madaxiisa dul saarnayd.

DF iyo madaxda Koonfur Galbeed oo soo dhaweeyey in Mukhtar Roobow laga saaro liiska argagixisada, waxaana loo diray ciidamo difaaca maadama ay ku hareeraysanyihiin kooxda Al Shabaab oo halkaas tagtay markii uu soo baxay in Liiskaas laga saaray.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM