Muqdisho: Haweeneey tooreey ku dishay laba ruux ka dib muran dhax maray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Gubadley dhawaan ka dhacay dhacdo ay ka argagaxeen dhammaan dadka deegaanka.

Sida aan Wararka ku heleyno Anbiyo Maxamed Cali oo ah haweeney degan xaafada Buur Bishaaro ayaa la sheegay in ay tooreey ku dishay labo gabdhood oo lagu kala magacaabi jiray Nimco Saalax iyo Iqro Daahir.

Saddexda qof ayaa ku wada noolaa hal guri, waxaana sababay falkan muran soo kala dhex galay oo markii dambe ku dhamaaday geerida labadaas qof.

Ciidamada amaanka ee ku sugan deegaanka Gubadley oo falkaasi ka jawaabaya ayaa markiiba goobta soo gaaray, waxaanay gacanta ku dhigeen haweenayda la soo eedeeyay,

Dhacadadan ayaa dhaisay hadal heyn badan saacadihii la soo dhaafay, iyada oo baraha bulshada lagu faafiyay faallooyin ku saabsan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM