Muqdishu: Dab ka kacey suuqa Bakaaraha oo lagu guuleystey in la damiyo

Image

Muqdishu- Dab xalay fiidkii saacada geeska Afrika qabsadey qaybo ka tirsan suuqa Bakaaraha magaalada Muqdishu ayaa lagu guuleystey in la damiyo inta uusan fidin.

Gadiidka Dabdamiska dowlada hoose ee Muqdishu iyo gamacsato ayaa ka qayb qaatey bakhtiinta dabkaan oo qabsadey agaagarka suuqa loo yaqaan KHaliifa.

Saraakiil ka tirsan dowlada hoose Muqdishu oo la hadlay GO ayaa sheegey in dabkaan uu qabsadey habeenkii xalay qaybo horey u gubtey ee suuqa Bakaaraha iyadoo aan la aqoon sababta keentey.

 Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa horey qabsadey dabab kala duwan iyadoo sanadkaan gudihiisa marayo labo jeer.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM