​MUQDISHU: Dilkii Taliye Jiijiile iyo Ilaaladiisa oo Waji cusub yeeshay

Image

MUQDISHU, Somalia - Muqdishu waxaa ka taagan Xiisad ka dhalatay Dilka Taliye ku xigeenkii hore ee Nabad Sugida gobolka Banaadir Ciise Jiijiile iyo afar Ilaaladiisa kamid ahaa, oo Militariga ay ku dileen Arbacadii lasoo dhaafay nawaaxiga Tiyaatarka Qaranka, oo ku dhaw xarnta Villa Somalia.

Iska horimaadka dhexmaray NISA iyo Militariga ayaa waxuu yeeshay waji qabiil, kadib markii Sarkaalka iyo Askarta la dilay ay noqdeen kuwa kasoo jeeda hal qabiil (Murusade), halka kuwa dilka geestay oo katirsan ilaalada amniga Madaxtooyada la sheegay inay ka dhasheen beesha Abgaal.

Beesha Murusade ee laga dilay  Ciise Jiijiile, oo Korneel Ciidan ahaa, ayaa dibadbax ballaaran ka sameeyay wadooyinka Muqdishu, waxaynya wacad ku mareen in aan la aasi doonin Meydka Sarkaalkan, ilaa laga dilayo kuwii kadambeeyay dilkiisa.

Wararka ayaa sheegay in Is rasaaseynta uu ku dhintay Jiijiile loo xiray Sarkaal lagu magacaabo Xasan Jiis, oo hogaaminayay Ciidamada ku sugnaa Barta Koontarool, ee ku taalla agagaarka hore ee Tiyaatarka iyo Askar badan.

Arintan sii socoshadeeda, ayaa walaac xoogan ku abuurtay Villa Somalia iyo Madaxda sare ee dowladda, waxaana durbaba soo fara-geliyay Madaxweyne Farmaajo, oo kulan deg deg ah Xafiiskiisa kula yeeshay Odayaasha iyo waxgardkeeda Beesha Murusade oo uu kala hadlay kiiska.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu laab-qaboojiyay Odayaasha uu la kulmay inuu socdo baaritaan, isagoo ka codsaday in dejiyo marka hore Xiisada taagan, oo horseedi karta dagaal qabiil, oo ka dhaca Muqdishu, iyo inay aastaan Meydka Jiijiile oo la dhigay xarunta Dembi baarista CID-da.

Wuxuu sidoo kale Madaxweyne u sheegay Odayaasha Murusade in Gudiga habeenkii Khamiista uu u magacaabay inay daba-gal ku sameeyaan waxa keenay isku-dhaca ciidanka iyo cida qaladka iska leh uu ka sugayo natiijada, kadibna ay dowladda qaadi doonto tallaano sharciga waafaqsan.

Gudiga baaritaanka oo uu Gudoomiye u yahay Taliyaha Booliska Somalia Jen Cabdixakiin Saacid ayaa su'aallo waydiinaya Saraakiisha ciidamada iska horimaadka dhexmaray, iyo kuwa xiran oo uu ku jiro Xasan Jiis.

Isku dhaca Ciidamada dowladda oo sii kordhaya ayaa kuwoo beegmaya xilli Shir ka dhacay Todobaadkan xarunta AMISOM ee Xalane lagu go'aamiyay in guud ahaan amniga dalka lagu wareejiyo Ciidamada qaranka.

Ciidamada Somalia, gaar ahaan kuwa ku howlgala magaca qaranka ayaa lagu dhaliilay inaysan ka koobneyn dhamaan shacabka Soomaaliyeed qeybihiisa kala duwan, taasoo keenta isku dhacyada inta badan ka dhaca magaalada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM

QM oo ku baaqday in Soomaaliya dib u eegto sharciyada la-dagaalanka argagixisada, xilli xasaasi ah

Wuxuu xusay in dambiyo aan dil la xiriirin ay haddana keeni karaan xukun dil ah, taasoo aan la jaanqaadayn shuruucda caalamiga ah.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:09AM