​Muqdishu: Doollarka oo hoos u dhacay

Image

MUQDISHU, Somalia- Muqdishu iyo magaalooyinka kale ee dalka waxaa Labadii maalmood ee lasoo dhaafay laga dareemay hoo u dhac wayn oo ku yimid sarifka lacagaha Doolarka, iyo sare u kaca qiimaha shilinka Soomaaliga.

Tan ayaa ka dambaysay markii Malaayiin Doolar oo Murashaxiinta Laaluush ahaan u bixiyeen kusoo fatahmay Suuqyada, taasi oo keentay inu si deg deg ah Shilinka Soomaaliga sare ugu kaco qiimihii lagu sarrifi jiray.

Halka Doolar ($1) waxaa sarrifkiisu u dhaxeeya 16,000 ilaa 18,000 oo Shalinka Soomaaliga ah, iyadoo goobaha Ganacsiga qaar ayba diideen inay Doolar wax ku iibiyaan maadaama uusan lahayn sal fadhiya.

Is-badalkan ayaa saameeyay Nolosha dadka danta yarta ah oo sheegay in Ganacsatada aysan wax ka bedelin Qiimaha Maciishadaha kala duwan, sida raashiinka iyo Bagaashka oo wali meeshooda jooga.

Dadka ayaa sheegay inaysan isku-dheelo tirnayn Qiimaha Nolosha, maadaama Reerkii $3 maalintii ku adeegan jiran, oo maanta $6 ku adeeganayo, taasi oo ah Labo jibaar qiimhii hore, kana baqayaan sicir barar.

Kadib, Doorashada Madaxweynaha cusub Maxa'ed Cabdllaahi Farmaajo waxaa qiimo sare gaarey shilinka Soomaaliga, iyadoo safirka lacagaha qaalad uu hoos aaday, waxaana dadka ka codsadeen dowladda cusub inay wax ka qabato Sicir bararka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Colaadda Gobolka Gedo: Dagaal culus oo dib uga qarxay Beled-Xaawo

Goob-joogayaal ayaa soo sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus, iyadoo la isku adeegsaday hubka culus sida madaafiicda.

  • Soomaliya

    29-07-2025

  • 12:13PM

Soomaaliya: Sidee Ku Bilowday Dagaalka Doolow? Yey Ahaayeen Dhinacyadii dagaalamey?

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Jubaland…

  • Soomaliya

    28-07-2025

  • 09:36PM