Muqdishu: Haweeney kamid ah ergadii dooratey Xildhibanaada DF oo la diley

Image

MUQDISHU, Somalia - Dabley hubaysan oo aan heebtooda la garanayn, ayaa habeenkii xalay ku dishay magalaada Muqdishu Haweenay ka tirsanayd Ergooyinkii doortay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee hadda shaqeeya.

Sida Goobjooge uu u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online, Haweenayda oo lagu magacaabi jiray Xaliimo Cilmi Yuusf waxaa la dilay xilli ay wax ka iibsanaysay Goob Ganacsi oo ku taalla Xaafadda Seypiano.

Wararka ayaa sheegaya in Labo Nin oo Bastoolado ku hubaysan ay dilka fuliyeen, kuwaasi oo markiiba goobta ka baxsaday, kahor intasan aysan soo gaarin Ciidamo ka tirsan dowladda oo halkaasi ka dhawaa.

Allah ha u naxariistee Xaliimo waxay kamid ahayd Ergadii Magaalada Cadaado kasoo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Somalia, waxayna noqanaysaa Haweenaydii labaad  oo kamid ahaa Ergada, oo mudo 24 Saac gudaheed lagu dilo Muqdishu.

Ma jirto cid sheegatay Mas'uuliyadda Dilka Gabadhan, balse Al shabaab ayaa horey ugu hanjabtay inay dilayso dhamaan Ergada soo xushay Xildhibaanada.

Mudooyinkii dambe waxaa soo kordhayay Dilalka Ergooyinka, waxayna intooda badan ka dhaceen magaalada Muqdishu.

Dowladda waxay dhawaan shaacisay howlgal ay ugu magac-dartey "Xasilinta Caasumdda", kuwasoo Ciidamadii loo xil-saarey, oo isagu jira Nabad Sugid, Boolis iyo Military ay Hal mar howlgal sameeyeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM