MUQDISHU: Qarax baabuur loo adeegsaday oo ka dhacay Wadajir

Image

MUQDISHO, Somalia - Qarax xooggan ayaa goordhow laga maqlay magaalada Muqdishu, ee Caasumadda Somalia, kaasi oo sababay khasaarooyin kala duwan.

Maxamed Xuseen, oo ah Sarkaal Booliska dowladda Somalia katirsan, ayaa u xaqiijiyay Warsidaha GO, in qaraxa uu ahaa mid loo adeegsaday Gaari walxaha qaraxa lagu soo xiray,  oo ku qarxay Xaafadda Xaawo Taawo, ee degmada Wadajir.

Waxa uu sheegay sarkaalka in ciidamada amniga ay ku qabteen Gaariga wadada, kadib markii ay ka shakiyeen. Hal Askari oo katirsan kuwa Miino Baarista ayaa ku dhintay qaraxa xilli uu isku dayay inuu ka furo Gaariga.

Ciidamada ayaa xiray wadada, waxaana lagu soo waramayaa inay jiraan dhaawacyo soo gaarin Askartii ka agdhawayd gaariga. Ma jirto Cid sheegatay Mas'uuliyada qaraxa, balse waxaa loo malaynayaa inay ka dambayso Al shabaab.

Waa qaraxii labaad, oo ciidamada fashiliyaan magaalada Muqdishu, kii hore waxaa lagu weeraray meel ku dhaw dhisamaha Hooyooyinka degmada Xamarweyne, kuna dhaw Madaxtooyada Somalia.

Faah faahin kala soco Garowe Online, wararkeena dambe

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM