MUQDISHU: Xildhibaan Isku-day Dil ka badbaaday

Image

MUQDISHU, Somalia- Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Somalia ayaa xalay ka badbaaday Isku-day Dil kadib markii Gaarigiisa qarax lagula eegtay bartamaha magaalada Muqdishu.

Xildhibaan Maxamuud Abukaate iyo labo Askari oo katirsan illaaladiisa ayaa dhaawac fudud kasoo gaarey qaraxa, oo ahaa mid miino oo lagu aasay wado ku taalla meel ku dhaw Carwadii hore ee Taleex ee degmada Hodon.

Labo qof oo shacab ah ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka, oo ujeedkiisu ahaa in lagu khaarajiyo Xildhibaanka, sida uu sheegay Capt Maxamed Xuseen oo ah Sarkaal katirsan ciidamada Booliska Somalia.

Ma jirto cid sheegatay Mas'uuliyada qaraxa, balse ciidamada ayaa sameeyay baaritaano ay ku soo qabteen dhowr qof oo goobta ka agdhawaa, kuwaasi oo su'aalo lagu weydiinayo saldhiga degmada Hodon.

Dhanka kale, Koox hubaysan ayaa xalay ku diley degmada Wadajir Askari katirsanaa ciidamada amniga Somalia, kuwaasi oo sidoo kale ka qaatey Qorigiisa, kahor inta aysan goobta ka baxsan.

Al Shabaab ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay weeraradooda Muqdishu, oo ay ku beegsanayaan Mas'uuliyiinta dowladda, Odayaasha dhaqanka, iyo Askarta katirsan Hay'adaha amniga dowladda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM