MUQDISHU: Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare oo dil ka badbaadey

Image

MUQDISHU, Somalia - Senator Xuseen Cali Xaaji ayaa saaka ka badbaadey Isku-day Dil, kadib markii koox hubaysan ay rasaas ku fureen Gaarigiisa xilli uu marayay nawaaxiga Isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdishu.

Wararka Warsidaha Garowe Online uu helayo, ayaa sheegaya in Mudanahan katirsan Aqalka Sare uusan wax khasaaro ah kasoo gaarin rasaasta, balse ay ku dhaawacmeen Darawalkiisa iyo qof kaloo shacab ah.

Weerarka ayaa dhacay kadib markii Gaari uu watey Xildhibaanka Gaari kale oo ay saarnaayeen dabley hubaysan, kuwaasi oo isku dayay inay dilaan Senator Xuseen Cali Xaaji, sida Goob-jooge u sheegay GO.

Ciidamada Amniga Somalia, ayaa goobta gaarey, waxyar kadib markii ay baxsadeen Kooxda hubaysan, kuwaasi oo loo maleynayo inay katirsan yihiin Al shabaab, oo inta badan beegsata Xildhibaanada BFS.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada NISA iyo Kooxda hubaysan ay is-waydaarsadeen rasaas, kahor inta aysan goobta ka baxsan.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Isku-dayga dilka ee ka dhanka ah Senator Xuseen Cali Xaaji.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa Insha Allah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Colaadda Gobolka Gedo: Dagaal culus oo dib uga qarxay Beled-Xaawo

Goob-joogayaal ayaa soo sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus, iyadoo la isku adeegsaday hubka culus sida madaafiicda.

  • Soomaliya

    29-07-2025

  • 12:13PM

Soomaaliya: Sidee Ku Bilowday Dagaalka Doolow? Yey Ahaayeen Dhinacyadii dagaalamey?

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Jubaland…

  • Soomaliya

    28-07-2025

  • 09:36PM