Murashax ​Cumar Cabdirashiid oo ka haray tartanka doorashada Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ku dhawaaqay in uu tanaasulay, kadib markii wareegga labaad uu u soo gudbay.

Xasan Sheekh Maxamuud oo heesta 88 cod, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo 72 cod, Shariif Sheekh Axmed 49 cod iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo helay 37 cod ayaa u soo gudbay wareegga Labaad.

Balse Cumar ayaa tanaasulay isagoo hadal sarbeeb ah ku tuuray mudanayaasha Barlamanka Somalia, wuxuuna yiri,"Waad garan kartaan guuxeyga meesha uu u socdo”.

Farmaajo, Shariif iyo Xasan ayaa isku arki doona wareegga xiga iyadoo la saadaalinayo inuu soo baxo Ra'isal wasaarihii hore ee Somalia, kaasoo taageero aan la filanayn ku dhex-yeeshay golaha shacabka labada Aqal.

Lama oga cidda kusoo bixi doonta, balse murashaxii hel saddex meelood labo ayaa noqon doona Madaxweynaha Qaranka, hadii ay taas dhici weydo waxaa la aadi doonaa wareeg saddexaad, sida guddoonku horay u sheegay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM